Horumar Maamul iyo Maaliyadeed: Daah-furka Mac-hadka ICPAS

0
142

Dawan Staffe

Hargeysa (Dawan)- Daah-furka Xafiiska Macadka barashadas Xisaabaadka Somaliland (ICPAS) oo uu Madaxweynaha Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, si rasmi ah u xadhiga uga jaray, waxa uu ka markhaati kacayaa tallaabo hor leh oo lagu xoojinayo hufnaanta maaliyadeed iyo xirfadda akadeemiyadeed ee dalka.

Macadkan cusub, oo ah hay’ad xirfadeed oo si gaar ah u kobcin doonta aqoonta iyo kartida xisaabaadka dadweynaha (Certified Public Accountants), waxa uu laf-dhabar u noqon doonaa dhismaha nidaam maamul oo casri ah, la xisaabtami kara, isla markaana si mug leh uga jawaabi kara baahiyaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Hirgelinta ICPAS waxay ka tarjumaysaa in Somaliland ay qaadayso tallaabooyin cadcad oo lagu hagaajinayo isla xisaabtanka, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo kobcinta kalsoonida lagu qabo hay’adaha maaliyadeed ee dalka. Waxaa sidoo kale la filayaa in Macadkani uu kaalin weyn ka ciyaaro horumarinta xirfadlayaal aqoon durugsan u leh xisaabaadka iyo maaraynta maaliyadeed, taas oo ah furaha koboca dhaqaale ee dalka.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu si toos ah u muujiyay sida ay Xukuumaddu uga go’an tahay in ay dhiirrigeliso tayeynta hay’adaha qaranka, isagoo farriin cad u diray Macadka in ay shahaadooyinka ku bixiyaan hufnaan iyo xirfad, si loo helo xirfadlayaal karti u leh inay dalka u horseedaan maarayn suuban.

Ugu dambayn, ICPAS waa tallaabo lagu ammaanayo, laguna dhiirrigelinayo in ay noqon doonto hay’ad si dhab ah u ilaalin doonta sumcadda xisaabaadka Somaliland, taasoo ah tiir muhiim u ah qarannimada iyo dawladnimada casriga ah ee aynu hiigsanayno.