Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa gobollada dalka ka fulisay hawlo caafimaad oo ballaadhan

0
312

Banaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxaynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo gobollada dalka ka fulisay hawlo caafimaad oo ballaadhan.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa iyadoo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah soo qabanqaabisay shir aqoon-isweydaarsi ah oo lagaga hadlayey hirgelinta barnaamijka One Health oo mideynaya caafimaadka dadka, xoolaha iyo deegaanka.

Shirkaas waxaa ka qaybgalay wasaarado iyo hay’ado kala duwan, waxaana laysla qaatay in la sameeyo dallad guud iyo qorshe cad oo lagu hagaajinayo wada-shaqaynta barnaamijkan muhiimka ah.

Sidoo kale, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa gobollada kala duwan ka fulisay hawlo muhiim ah

Gobolka Saaxil waxaa xadhigga laga jaray xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee Mandheera si loo horumariyo daryeelka caafimaadka hooyada iyo carruurta.

Gobollada Togdheer, Sanaag iyo Awdal ayaa si rasmi ah looga daah-furay ololaha talaalka cudurka dabaysha wareeggiisa labaad, iyadoo waalidiinta lagu booriyay in ay carruurtooda geeyaan xarumaha talaalka si dalka looga cidhib tiro cudurkan.

Gobolka Sanaag Isuduwaha Wasaaradda ayaa kormeer ku tagay Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo si uu u qiimeeyo adeegyada iyo baahiyaha degdegga ah, ballanna ku qaaday in xal waara laga shaqeeyo.

Gobolka Awdal waxaa lagu soo gaba-gabeeyay tababar afar maalmood socday oo lagu baranayey isticmaalka nidaamka casriga ah ee DHIS2 si kor loogu qaado tayada adeegyada talaalka iyo caafimaadka carruurta.

Dadaalladan ayaa muujinaya sida Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, ilaalinta caafimaadka bulshada iyo ka jawaabidda baahiyaha degdegga ah ee dalka oo dhan.

Geesta kale Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabooyin ballaadhan oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Kulanka Wasaaradda iyo Mercy USA : Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday hay’adda Mercy USA, kulankan oo uu wehelinayay agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta siyaasadda, Dr. Khaalid Cali Axmed (Balayax), ayaa lagaga hadlay dardargelinta iyo tayaynta mashaariicda caafimaadka socda, markii uu kulankaasi soo dhammaaday waxa lagu heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqaynta labada dhinac, si bulshada Somaliland loogu fidiyo adeeg caafimaad oo tayo leh.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa tababar ka fulisay magaalada Borama,  iyada  kaashanaysa  hay’adda World Vision, ayay  soo qabanqaabisay tababar socon doona saddex cisho, kaas oo loogu talagalay shaqaalaha ku hawlan kaydinta, ilaalinta, iyo maaraynta agabka caafimaadka ee degmooyinka Lughaya iyo Saylac.

Furitaanka tababarkan waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo xusay in tababarkani uu gacan weyn ka geysan doono kor u qaadista tayada maamulka agabka caafimaadka.

Dhanka kale, Isuduwaha caafimaadka ee gobolka Maroodijeex, Dr. Mahad Cabdi Yasin, ayaa   kormeer ku tagay goobaha lagu fulinayo ololaha talaalka dabaysha (wareegga labaad ee heer qaran).

Kormeerkan ayaa lagu qiimeeyay habsami u socodka hawsha, iyadoo Dr. Mahad ku ammaanay shaqaalaha caafimaadka dadaalkooda iyo hawlkarnimada ay bulshada ugu adeegayaan.

Waxa uu kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan shaqada, si carruurta gobolka oo dhan ay uga faa’iidaystaan ololahan muhiimka ah.

Barnaamijkan ballaadhan waxa uu caddeynayaa in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ay si dhab ah uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, iyadoo  kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah, tababarro iyo kormeer joogto ahna ku samaynaysa shaqaalaha caafimaadka gobollada.