Cisbitaalka Guud ee Caynaba oo Tusaale Cad u Noqday Maamul Wanaagga iyo Daahfurnaan

0
110

 

Qore Faysal Xiis Weerar

Caynaba (Dawan)- Waxqabadka iyo dedaalka uu muujiyay maamulka Cisbitaalka Guud ee Magaalada Caynaba ayaa noqday astaan cad oo muujinaysa in horumar dhab ah lagu gaadhi karo marka la helo hoggaan daacad ah, bulsho garab taagan, iyo nidaam ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan. Tayeynta adeegyada caafimaadka, wadashaqeynta bulshada, iyo diyaarinta qorshayaal mustaqbalka la taaban karo ayaa ka dhigtay Caynaba meel tusaale u noqota sida loo hirgeliyo maamul daahfuran oo bulshada si dhab ah ugu adeega.

Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday Caynaba, laguna soo bandhigay waxqabadka lixdii bilood ee u dambeeyey, ayaa si cad u muujisay in isbeddel lagu gaadhi karo marka hay’adaha caafimaadku ay muujiyaan hufnaan, isla xisaabtan, iyo la jaanqaadid baahida dhabta ah ee bulshada.

Kulankan xog-warranka wuxuu isu keenay dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah, laga bilaabo maamulka gobolka iyo degmada, ilaa ganacsatada, shirkadaha, iyo bulshada rayidka ah, taas oo caddeyn u ah in daryeelka caafimaadku yahay mas’uuliyad guud oo u baahan wadajir, is-xilqaan, iyo ka go’naansho.

Maamulka Cisbitaalka oo Muujiyay Awood iyo Aragti Fog

Dr. Cabdilaahi Xasan, Agaasimaha Cisbitaalka, ayaa si qoto dheer u faahfaahiyey waxqabadka lixdii bilood ee ugu dambeysay, isagoo iftiimiyey horumar la taaban karo, sida: Tayeynta adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, Korodhka helitaanka adeegyada caafimaad ee asaaska ah, Hagaajinta nidaamka maaraynta bukaannada, soo iibinta daawooyin muhiim ah iyo qalab caafimaad iyo dedaalo badan oo diiradda lagu saaray tababarka shaqaalaha iyo qanacsanaanta bukaannada.

Dr. Xasan ayaa sidoo kale si geesinimo leh u dul istaagay caqabadaha weli horyaalla, sida tirada shaqaalaha oo kooban, iyo baahida loo qabo kaabayaal cusub. Wuxuu ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkan. Tani waxay muujinaysaa in maamulka cusub ee cisbitaalka uu leeyahay karti iyo hufnaan uu ku gaadhsiin karo cisbitaalka heerar cusub oo adeeg.

Wadajir Bulsho: Furaha Horumarka Caafimaadka

Hadalka mas’uuliyiinta ka qaybgalay kulanka, sida Maayirka, Badhasaabka, iyo ganacsatada, wuxuu iftiimiyey baahida loo qabo in dhammaan qaybaha bulshada ay u midoobaan daryeelka caafimaadka. Waa dareen muhiim ah in la fahmo in adeeg caafimaad oo tayo leh aanu ahayn mas’uuliyad keliya oo dawladeed, balse uu yahay waajibaad wadaag ah.

Gunaanad

Cisbitaalka Caynaba wuxuu muujiyey in horumarka caafimaadku yahay mid suuragal ah marka la helo hoggaan karti leh, bulsho garab taagan, iyo nidaam hufan oo xog-warran iyo isla xisaabtan leh. Tani waa waddada kaliya ee lagu gaadhi karo caafimaad loo siman yahay oo ku saleysan daacadnimo, wadajir, iyo hami horumarineed.