Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Somaliland ayaa martigelisay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socdasy hay’adaha dhaqaalaha ee dalka JSL. Kulankan, oo uu furay Wasiiru-Dawlaha Maaliyadda, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa hannaan rasmi ah oo wada-shaqayn iyo iskaashi ka dhexeeya hay’adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha Somaliland.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la mideeyo xeerarka iyo sharciyada maaliyadeed, lana xoojiyo hufnaanta iyo maamulka hay’adaha dhaqaale si loo horumariyo dhaqaalaha dalka. Waxaa la soo bandhigay qorshayaal ay ka mid yihiin sameynta guddi heer sare ah iyo guddi farsamo oo hagaya wada-shaqaynta hay’adaha, dib-u-eegista xeerarka dhaqaale, iyo abuurista nidaam sharci oo mideysan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa ku booriyey dhammaan masuuliyiinta ka soo qayb galay shirka inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, isla markaana dhisaan waaxyo sharciyeed oo ka shaqeeya sidii loo xaqiijin lahaa dhaqangelinta shuruucda dalka.
Kulanka waxaa ka qaybgalay madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha sida Maaliyadda, Caymiska, Duulista, Isgaadhsiinta, Qandaraasyada Qaranka, Ganacsiga, Xanaanada Xoolaha, Gaadiidka, Qorshaynta Qaranka, iyo Golaha Wakiilada. Iskaashigan ballaadhan ayaa muhiim u ah in la helo nidaam maaliyadeed oo waafaqsan shuruucda dalka, isla markaana ka taageera horumarka dhaqaalaha.
Kulankani wuxuu si cad u muujiyey sida Somaliland uga go’an tahay horumarinta nidaamka maaliyadeed iyo dhaqaalaha dalka. Tallaabooyinka ay qaadday, oo ay ka mid yihiin dhisidda guddiyo heer sare ah oo farsamo, dib-u-eegista xeerarka dhaqaalaha, iyo abuurista hanaan sharciyeed mideysan, waxay ka tarjumayaan hannaanka hoggaamineed ee Somaliland ku wajahday kobcinta dhaqaalaha iyo maamul wanaagga.
Xoojinta doorka Wasaaradda Maaliyaddu waa caddeyn muhim ah oo muujineysa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo maamul hufan oo waafaqsan shuruucda dalka. Iskaashiga ballaadhan ee hay’adaha kala duwan, sida Maaliyadda, Caymiska, Duulista, Isgaadhsiinta, Qandaraasyada Qaranka, iyo kuwa kale, ayaa muhiim u ah sidii loo heli lahaa nidaam isku dhafan oo ka hortaga khaladaadka iyo qabadaha, taasoo kor u qaadi doonta kalsoonida maalgeliyeyaasha gudaha iyo dibadda.
Tani waa tusaale cad oo muujinaya sida Somaliland si dhab ah ugu tala gashay horumarinta dhaqaalaha iyo maamul wanaagga, iyadoo abuuraysa jawi sharci oo isku xidjan iyo wada shaqayn firfircoon oo ka dhexeysa hay’adaha dowladda. Tallaabooyinkan ayaa dhisaya aasaaska koboc dhaqaale oo waara, isla markaana ka caawin doona Somaliland inay gaadho himilooyinkeeda horumarineed.



















