Shirka Daryeelka Bulshada ee Heer Qaran oo Ka Dhacay Magaaladda Hargeysa

0
115

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadanimada Somaliland ayaa qabatay Shirka Daryeelka Heer Qaran, kaasoo si joogto ah bil kasta loo qabto. Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 30 hay’adood oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwa maxalli ah, kuwaasoo ka wada shaqeeya arrimaha daryeelka bulshada.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd in xoogga la saaro ilaalinta dadka nugul ee bulshada dhexdeeda ku jira, gaar ahaan barakacayaasha, carruurta, haweenka, iyo dadka naafada ah. Intii lagu guda jiray kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada daryeelka bulshada, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha degdegga ah ee bulshada, sida ilaalinta hoyga, hantida, iyo ka hortagga tacadiyada.

Gaba-gabadii shirka, waxaa la isla qaatay meelaha mudnaanta gaarka ah leh ee barnaamijyada daryeelka bulshada laga hirgelin doono bilaha soo socda, taasoo muujinaysa wada shaqeyn dhab ah iyo himilooyinka Wasaaradda ee horumarinta xaaladaha dadka nugul ee Somaliland.