Nin weyn ayaa o Wiil Yar waydiiyay suโaasha ah
“Maxaad rabtaa inaad noqoto markaad weynaatid?”
Wiilkii yaraana waxa u uku jawaabay waxaan doonayaa inaan noqdo โ Nin wanaaganโ
Ninka Odeyga ah ayaa yidhi:
“Miyaanad rabin inaad noqoto madax, boqoro, ganacsade ama Dhakhtar?”
Wiilka yar ayaa ku jawaabay:
“Haddii aan noqdo nin wanaagsan, waxaan noqon karaa wax walba oo wanaagsan kale.”
Xikmadda: Xumaanta ma dhisto mustaqbal, wanaagga ayaa sees u ah guul kasta ย oo la rabo.






















