Golaha Guurtida JSL oo Sheegay in Daawo iyo Cunto ay Tayadoodu Liidato in Dalka la Keenyo

0
80

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan, waxaa aynu kaga hadli doonaa dood muhiim ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, taasoo ku saabsan xaaladda caafimaadka dalka, gaar ahaan halista caafimaad ee ka imaanaysa daawooyinka iyo cuntooyinka aan tayadoodu wanaagsanayn ee dalka soo gala.

Dooddan ayaa ka tarjumeysa walaaca sii kordhaya ee bulshada ee ku saabsan tayada caafimaadka iyo saameynta taban ee arrimahan ku yeesheen nolosha dadka.

Mudanayaasha ayaa cadeeyey in daawooyinka iyo cuntooyinka aan la hubin ay sababeen dhimasho iyo dhibaatooyin caafimaad oo baahsan muddooyinkii u dambeeyey.

Mudanayaasha ayaa si wadajir ah ugu baaqay in xukuumadda Somaliland, ay dalka keento mashiinno casri ah oo lagu baadho tayada daawooyinka iyo cuntooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada bulshada.

Sidoo kale, waxay xuseen in guddida mihnadlayaasha caafimaadka iyo hay’adaha qaabilsan dhowrista tayada ay kordhiyaan dadaalkooda, iyaga oo si gaar ah u hubinaya aqoonta iyo xirfadda dhaqaatiirta dalka ka shaqeeya, gaar ahaan kuwa ajaanibka ah, si loo ilaaliyo heerka adeegyada caafimaadka.

Waxaa sidoo kale ay soo jeediyay in la sameeyo talo qaran oo kaalin weyn ka qaadata horumarinta caafimaadka, lana kordhiyo xarumaha caafimaadka ee dalka, iyadoo la hirgelinayo qaboojiyayaal ilaalinaya daawooyinka, si looga hortago waxyeellada kuleylka iyo qabowga.

Waxaa xusid mudan in Golaha Guurtida ay sidoo kale ku baaqeen in dhaqaatiirta caafimaadka xoolaha, gaar ahaan wasaaradda xannaanada xoolaha, ay qaadaan tallaabooyin lagu hubinayo tayada xoolaha lagu qalo, si bulshada looga ilaaliyo cudurada kasoo gudba xoolaha.

Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa shirguddoonka Golaha ka codsaday in la soo Gole joojiyo mas’uuliyiinta hay’adda dhowrista tayada, guddida mihnadlayaasha caafimaadka, iyo wasiirrada wasaaradaha horumarinta caafimaadka, ganacsiga iyo dalxiiska, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan sida ay u maamulaan hawlaha muhiimka ah ee qaran.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, ayaa sheegay in haddii caafimaadka bulshadeenu liito, aanay suurtogal ahayn in dalka horumar sameeyo ama dunida qayb ka noqdo.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in cuduro halis ah ay dalka ku badan yihiin, sida dhimashada hooyada uurka leh, dhimashada carruurta shanta sano ka yar, talaalka oo hooseeya, nafaqo darrada hooyada iyo carruurta, iyo cuduro cusub oo ay kamid yihiin cudurada wadnaha, dhiig karka, macaanka, kansarka, iyo xanuunada maskaxda.

Waxaanu yidhi.“Haddii bulshadeenu caafimaadkeedu liito, ma suurtogal in horumar iyo dhisme uu dalka ka dhaco, ama aan dunida qayb ka noqon karno.

Waxaan aragnay in cuduro fara badan oo halis ah ay ku badan yihiin dalka, sida dhimashada hooyada uurka leh, dhimashada ilmaha shanta sano ka yar, talaalka oo hooseeya, nafaqo darro baahsan oo ka jirta hooyada uurka leh iyo carruurta, iyo sidoo kale cuduro cusub sida cudurada wadnaha, dhiig karka, macaanka, kansarka, iyo xanuunada maskaxda.”

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay dadaalka wasaaradda caafimaadka ee ku aadan keenista mashiinnada lagu sifeeyo kalyaha, kuwaas oo dadka qaar ay ku adeegaan lacag la’aan, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta adeegyada caafimaadka.

Waxa uu sidoo kale ku booriyey in la sameeyo baadhitaanno qaran oo lagu ogaado sababaha keenaya cudurada sii kordhaya, si xal waara loogu helo.

Waxa uu ku adkeeyey in la ballaadhiyo adeegyada caafimaadka ee magaalooyinka iyo miyiga, si bulshadu si siman ugu hesho daryeel caafimaad.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo adeegyada talaalka, nafaqada, ka hortagga cudurada faafa, iyo daawaynta cudurada dhiig karka iyo macaanka oo bulshada saameeya.

Wuxuu carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la taageero dadka qaba xanuunada maskaxda, kuwaas oo helitaan wanaagsan u baahan, maadaama daawayntoodu ay tahay mid aad u liidata.

Xildhibaan Ismaaciil, ayaa ku baaqay in dalka lagu soo kordhiyo cisbitaallo casri ah, gaar ahaan kuwa ay maalqabeennadu ka qayb qaataan, si loo yareeyo baahida loo qabo in dibadda loo tago daaweyn caafimaad iyo in la helo dhaqaatiir aqoon iyo xirfad casri ah leh oo dalka ka hawlgala.

Dooddan Golaha Guurtida ayaa muujineysa muhiimadda caafimaadka ee horumarka dalka, iyo baahida loo qabo in si wadajir ah loo qaato tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xallinayo caqabadaha caafimaadka ee haysta bulshada Somaliland.

Waxaa cad in mudanayaasha ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’adaha iyo xukuumadda si loo hubiyo in caafimaadka bulshada la daryeelo, lana helo nidaam caafimaad oo tayo leh, kaas oo ka jawaabaya baahiyaha shacabka.

Nuxurka fariinta Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkani gudbinayo ayaa ah, in xildhibaanada golaha guurtidu dood ka yeesheen,  xaaladda caafimaadka ee dalka, gaar ahaan khatarta caafimaad ee ka imanaysa daawooyinka iyo cuntooyinka aan la hubin.

Mudanayaasha ayaa ku baaqay in la keeno mashiinno casri ah oo lagu baadho tayada daawooyinka iyo cuntooyinka, lana xoojiyo kormeerka dhaqaatiirta, gaar ahaan ajaanibta.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen in la sameeyo talo qaran oo horumarisa caafimaadka, la ballaadhiyo xarumaha caafimaadka, lana taageero adeegyada talaalka, nafaqada, iyo daawaynta cudurada faafa iyo kuwa wadnaha.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Cabdiraxmaan ayaa carabka ku adkeeyay in caafimaadka bulshada liita uu caqabad ku yahay horumarka dalka, isagoo ku baaqay in la kordhiyo cisbitaallada casriga ah iyo in la sameeyo baadhitaanno qaran oo xal waara u helaya cudurada sii kordhaya.

Golaha Guurtida ayaa muujiyey diyaar garowga ay u leeyihiin in si wadajir ah ula shaqeeyaan dowladda iyo hay’adaha si loo hubiyo nidaam caafimaad oo tayo leh oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada Somaliland.