Shirkadaha Mareykanka oo ka welwelsan kharashka lagu soo rogey Fiisaha H-B1

0
89

Karen Brady oo madax ka ah shirkadda Ryther ayaa walaac ka muujiyey Kharashka fiisaha H1B ee lagu soo rogey xirfadleyda shisheeye Markii Madaxweyne Donald Trump uu Jimcihii la soo dhaafay saxeexay xeer madaxweyne oo jideynaya in $100,000 lagu xidho helitaanka Dal-ku-galka ay Mareykanka ku tagaan xirfadleyaasha shisheeye ee loo yaqaan H-1B, shirkadaha Mareykanka ee ku tiirsan shaqaalaha Ajnabiga ah ee dibedda laga soo qorto waxaa soo foodsaaray walaac weyn.

Sharciga Trump saxeexay wuxuu shirkadaha Mareykanka deggen farayaa in ay jeebkooda ka bixiyaan qarashka fiisaha ka hor inta aanay qofka shaqaalaha ah dalka soo galin, taas oo ku adag inta badan shirkadaha xirfadleyda shisheeye ku tiirsan.

Qaar badan oo ka mid shirkadaha go’aankan saameeyey ayaana billaabay in ay ka fikiraan in ay dalka isaga guuraan, waayo way ku adag tahay in ay maareeyaan culeyska dhaqaale ee ka dhalan kara qiimaha dal-ku-galka kordhay iyo mushaarka shaqaalaha.

Dadka falanqeeya arrimaha socdaalka xirfadleyda ayaa qaba in tillaabadani ay ragaadin doonto horumarka dhaqaalaha Mareykanka oo si weyn ugu tiirsan xirfadleyda shisheeye oo daboola baahida ka jirta dhanka teknoloojiyadda iyo daryeelka caafimaadka