Wasaaradda Caafimaadka oo Wacyi-gelin Muhiim ah ka Samaysay Xuska Maalinta Caafimaadka Maanka Adduunka 2025

0
133

 

Xubinta kowaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee troddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Waaxda Caafimaadka Maanka, ayaa si buuxda u dardar-gelisay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Maanka (World Mental Health Day), iyadoo la hirgeliyey olole ballaadhan oo ka dhacay dhammaan gobollada dalka.

Barnaamijkan ayaa isugu jiray munaasibado, ciyaaro wacyigelineed, shirar muhiim ah iyo wacyigelin toos ah oo lagu qabtay dugsiyo iyo xarumo caafimaad.

Wasaaraddu waxay wacyigelin la xidhiidha caafimaadka maanka ka fulisay dugsiyo badan oo ku yaalla magaalooyinka Hargeysa, Gabilay, Berbera, Boorama, Burco, iyo Ceerigaabo. Iskuulada Maxamed Mooge iyo Daami ee magaalada Hargeysa, Dugsiga Aadan Isaaq ee Boorama, iyo dugsiyada gobolka Gabilay iyo Saaxil ayaa kamid ahaa meelihii ololuhu si toos ah uga dhacay.

Wacyigelinta ayaa lagu iftiimiyay arrimo ay kamid yihiin, muhiimadda caafimaadka maskaxda, in la joojiyo takoorka iyo dhibaataynta dadka la nool xanuunnada maanka, in la fahmo in cudurrada maanku yihiin xaalado caafimaad, ee aanay ahayn ciqaab Eebbe ama ceeb qoys iyi in qof walba uu mudan yahay daryeel, naxariis iyo fursad uu kaga bogsan karo xanuunka maskaxda.

Arday badan ayaa ka qaybqaatay tartamo lagu xoojiyay fahamka arrimaha maskaxda, iyadoo la abaalmariyay ardaydii ugu jawaabaha fiicnayd, waxaana la guddoonsiiyay hadiyado ay ka mid yihiin agabka waxbarashada.

Magaalooyinka Boorama, Berbera, Gabilay, Burco, iyo Ceerigaabo ayaa lagu qabtay ciyaaro iyo isu-soo-baxyo wacyigelineed oo loogu talagalay kor u qaadista isku-xidhnaanta bulshada iyo dhiirrigelinta caafimaadka guud ee qofka.

Ciyaarahan ayaa si gaar ah loogu xusay faa’iidooyinka jimicsiga iyo is-dhexgalka bulshada ee caafimaadka maskaxda.

Fariin guud oo lagu celceliyay ayaa ahayd in laga fogaado balwadaha iyo xaaladaha dhaawici kara caafimaadka maanka.

Waxaa magaalada Hargeysa ka furmay Shirka Dib-u-eegista Cisbitaallada Dawladda ee Gobollada Dalka, oo uu furay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi. Shirkan ayaa diiradda saaray, tayaynta adeegyada caafimaad ee cisbitaallada, xoojinta nidaamka maamul iyo hufnaan iyo ka shaqaynta in bulshada dalka oo dhan helaan adeeg caafimaad oo casri ah, hufan, iyo mid la isku halleyn karo.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qaaday kormeerro rasmi ah oo ay ku hubinayso habsami u socodka adeegyada caafimaad.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ayaa booqday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halka Wasiir Ku-xigeenka, Marwo Samsam, ay kormeer shaqo ku martay gobollada bariga dalka, gaar ahaan Berbera.
Intaas waxaa dheer, tababaro ku saabsan kaydinta xogta caafimaadka oo uu soo agaasimay hay’adda Alight, ayaa la siiyay shaqaalaha 45 xarumood oo caafimaad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa shir guddoomiyay kulan lagu qiimeeyay Ololihii Tallaalka Dabaysha, kaas oo lagu tallaalay in ka badan 856,673 carruur ah, taasoo guul weyn u tahay caafimaadka bulshada.

Xuska rasmiga ah ee Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Maanka ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana furay Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi. Munaasibadda waxaa ka qaybgalay, agaasimaha Guud, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, Safiir-ku-xigeenka Taiwan, hay’adaha WHO iyo UNICEF iyo ururada caafimaadka gudaha iyo marti sharaf kale.

Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in adeegyada caafimaadka maanka la ballaadhin doono, lana xoojin doono dadaallada lagu tirtirayo cabsida iyo takoorka ay la kulmaan dadka qaba xanuunnada maskaxda, waxaa sidoo kale la adkeeyay baaqa ah “Qof Waliba Waa Inuu Helo Caafimaadka Maanka.”

Dhammaan hawlgallada wacyigelineed, shirarka, ciyaaraha, kormeerada iyo barnaamijyada tababarka ee la qabtay intii lagu guda jiray toddobaadka caafimaadka maanka 2025, waxay muujinayaan sida ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka uga go’an tahay in la dhiso bulsho caafimaad qabta maskax ahaan iyo jidheed ahaanba.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxay bulshada ugu baaqaysaa in ay ka qaybqaataan dadaalladan, lana garab istaago dadka la nool xaaladaha maskaxda.

Nuxurka Fariinta Barnaamijka 

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, iyada oo xusaysa Maalinta Caafimaadka Maanka Adduunka 2025, waxay ka fulisay dalka oo dhan olole wacyigelineed oo ballaadhan oo lagu dhiirrigelinayo fahamka iyo daryeelka caafimaadka maskaxda.

Barnaamijku wuxuu isugu jiray wacyigelin dugsiyo iyo bulsho, ciyaaro kor u qaadaya is-dhexgalka bulshada, shirar sare, kormeerro iyo tababbarro la xidhiidha tayeynta adeegyada caafimaadka.

Fariinta ugu muhiimsan.

“Qof walba waa inuu helo caafimaadka maskaxda, waxaana la joojinayaa takoorka iyo cabsida la xidhiidha xanuunnada maanka.”

Wasaaraddu waxay bulshada ku dhiirrigelinaysaa inay ka qaybqaataan dadaalladan si loo dhiso bulsho caafimaad qabta, maskax ahaan iyo jidheed ahaanba.