Wasaaradda Caafimaadka oo Kordhisay Dadaallada Horumarinta Adeegyada Caafimaad ee Gobolka Sanaag

0
134

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadka waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, oo laba jibaartey dadaallada horumarinta adeegyada caafimaadka ee gobolka Sanaag iyo dalka oo dhan.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sare u qaaday dadaallada wacyigelinta, tababarka iyo daryeelka caafimaadka guud ahaan dalka, gaar ahaan gobolka Sanaag, iyadoo lagu lafagurayo caafimaadka maanka,   xoojinta nidaamyada xogta caafimaadka, iyo la-dagaallanka cudurrada faafa.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Sanaag, oo kaashanaysa Cusbitaalka Maanka ee Ceerigaabo, ayaa wacyigelin muhiim ah ka fulisay Dugsiga Hoose ee Gadmadda.

Wacyigelintan oo ay si gaar ah uga qayb galeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa ardayda lagu baray fahamka caafimaadka maanka, naxariista dadka la ildaran xanuunnada maskaxda, iyo in la aqbalo in xanuunnada noocan ahi yihiin cudurro dabiici ah oo laga bogsan karo, ma aha ciqaab ama cadaab Eebbe.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Sanaag, Dr. Muuse Axmed Aadan, ayaa daahfuray tababar muhiim ah oo la xidhiidha falanqaynta xogta caafimaadka iyo isticmaalka nidaamka DHIS2, kaas oo loogu talagalay shaqaalaha talaalka ee saddexda gobol.

Tababarkan oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo tayada xog ururinta iyo go’aan qaadashada ku salaysan xog dhab ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa furay kulan heer qaran ah oo lagu dib-u-eegayo Siyaasadda Caafimaadka Qaranka.

Kulanka waxa ka qayb galay daneeyayaasha caafimaadka oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada xirfadlayaasha, iyo hay’ado maxalli ah.

Ujeeddadu waa in la hubiyo in siyaasadda caafimaadku si buuxda uga tarjumayso baahida bulshada iyo isbeddellada ka jira gudaha dalka.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, oo kaashanaysa TaiwanICDF iyo Save the Children, ayaa bilowday mashruuc cusub oo lagula tacaalayo cudurka Leishmaniasis ee ka dillaacay deegaano kamid ah gobolka Sanaag.

Mashruucan ayaa diiradda saaraya tababaridda shaqaalaha caafimaadka, ururinta xogta cudurka, iyo daryeelka bukaanada si loo yareeyo saameynta uu leeyahay cudurkani.

Dr. Muuse Axmed Aadan iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyay xaaladda cudurka Duumada (Malaria) ee gobolka Awdal, iyadoo dadaallo lagu xoojinayo la tacaalidda cudurkaas ay socdaan, gaar ahaan goobaha uu saameynta ku yeeshay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Qalab Casri ah Ku Wareejiyey 34 Xarumo Caafimaad: “Qalabku Waa Inuu Shaqeeyo, Xogtuna Waa In La Helaa”

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qalab caafimaad oo muhiim ah ku wareejisay 34 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco, Oodweyne iyo Baligubadle.

Qalabkan oo qayb ka ah mashruuca Damal Caafimaad ayaa waxa si rasmi ah u guddoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, Madaxa Mashruuca Damal Caafimaad, Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo), iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda.

Wasiirka oo hadal ka jeediyey munaasabadda wareejinta qalabka ayaa ku dardaarmay in si degdeg ah loo gaadhsiiyo goobaha caafimaadka qalabkan, islamarkaana la xaqiijiyo in uu shaqaynayo, xogtiisuna si hufan loo helo.

Waxaanu yidhi.“Wixii aynu helno waa in si degdeg ah degaanadii loo gaadhsiiyo, hore 29 xarumood ayaynu qalab ku wareejinay, qalabkan cusubna waa in si dhab ah loo isticmaalo, xogtiisuna la helo, qalab la wareejiyay, haddana xogtii aan la helin, waa dhibaato weyn,”  .

Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qalabka iyo xogtiisa, isagoo tilmaamay in dunidu maanta ku socoto hab koombiyuutareysan, xog la’aantina ay adkaanayso qorsheynta adeegyada caafimaadka.

Waxaanu yidhi.“Meesha internet-ka laga helo xogteeda waa in la helaa, meesha aan laga helinna waa in xal loo raadiyaa, waa hanti ummaddu leedahay, ilaalinteeduna waa masuuliyad,”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo Madaxa Mashruuca Damal Caafimaad ayaa iyaguna xusay in qalabkan uu ka mid yahay dadaalka lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, gaar ahaan xarumaha hoose ee caafimaadka.

Wareejinta qalabkan caafimaad waxa ay qayb ka tahay dedaalka joogtada ah ee ay Wasaaradda Caafimaadku ugu jirto horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, iyadoo la xoojinayo adeegyada saldhigga u ah caafimaadka bulshada, lana tayeynayo habka ururinta iyo isticmaalka xogta caafimaad.

Dhammaan hawlgallada iyo mashruucyadan waxay ka mid yihiin qorshaha ballaadhan ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, iyadoo la adkeynayo nidaamyada xogta, la xoojinayo wacyigelinta bulshada, lana kordhinayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha caafimaadka.

Nuxurka Barnaamijka Caafimaadka ee Toddobaadka:

Barnaamijka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa dadaalka ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland laba jibbaartay si kor loogu qaado adeegyada caafimaad ee dalka, gaar ahaan gobolka Sanaag.

Waxaan si kooban u eegi doonaa, Wacyigelinta caafimaadka maanka ee ardayda Ceerigaabo, tababarro kor loogu qaadayo tayada xogta caafimaadka iyo isticmaalka DHIS2, dib-u-eegista Siyaasadda Caafimaadka Qaranka, la-dagaallanka cudurrada faafa sida Leishmaniasis iyo Duumada (Malaria), wareejinta qalab caafimaad oo casri ah oo loo diray 34 xarumo caafimaad oo ku kala yaalla gobollo kala duwan.

Barnaamijku waxa uu iftiiminayaa sida loo xoojinayo adeegyada caafimaad, loo tayeynayo shaqaalaha, loona dardargelinayo qorsheyaasha caafimaad ee dalka.