Halyeeygii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa si adag u dhaliilay kooxda Chelsea kaddib guuldarradii 2-1 ee ay kala kulmeen Sunderland Sabtidii.
Chelsea oo si wanaagsan ku bilowday ciyaarta, ayaa goolka furitaanka waxaa u dhaliyey Alejandro Garnacho daqiiqaddii 4aad, balse kooxda martida ahayd ayaa soo laabatay iyadoo ay shabaqa gaadheen Wilson Isidor iyo Chemsdine Talbi, taasoo ka dhigtay inay qaataan saddexda dhibcood ee kulanka.
Merson: “Chelsea waxay u baahantahay weeraryahan dhammaystiran”
Paul Merson, oo ah taageere Chelsea ah isla markaana falanqeeye Sky Sports, ayaa si gaar ah u weeraray weeraryahanka da’da yar Marc Guiu, isagoo sheegay in Blues aysan wadanin xiddig weerarka hoggaamiya.
“Sunderland aad bay ii qanciyeen, Chelsea se maya,” ayuu Merson yidhi.
“Chelsea waxay u baahan tahay Liam Delap oo sida ugu dhaqsaha badan u soo laabta. Waxay u baahan yihiin weeraryahan dhexe oo culus.
Guiu wuxuu taabtay kubbadda wax ka badan 9 ama 10 jeer oo keliya. Taasi macquul uma aha koox rabta inay kubbadda maamusho.”
Merson wuxuu intaas ku daray in ciyaartoy badan oo Chelsea ah aysan wax hal-abuurnimo ah keenin:
“Chelsea waxay u dagaalantay sidii koox aan fikrad lahayn. Dhinacyadooda qaarkood ma dhaafaan difaacyada. Joao Pedro wuu ku wareersanaa booska 10-aad. Kooxdu way dhibaataysan tahay.”
Xaaladda Chelsea ee Horyaalka
Guuldarradan waxay Chelsea ka ridey booska siddeedaad, iyagoo shan dhibcood ka hooseeya hoggaanka horyaalka oo ay hayaan Arsenal.
Marc Guiu ayaa buuxiyay booska Liam Delap oo weli dhaawac kaga maqan, balse cadaadiska la saaray ayaa sii kordhaya maadaama natiijooyinka kooxda hoos u sii dhacayaan.

























