Duufaanta Melissa oo ku dhufatay Cuba

0
49

Duufaanta Melissa ayaa ku dhufatay Cuba iyadoo wadata dabeylo xawaarahoodu yahay 120mph, ka dib markii ay ka gudubtay Jamaica, taas oo ah duufaantii ugu xoogganayd ee ku dhufatay dalkaas taariikhda casriga ah.

Raysal wasaare Jamaica, Andrew Holness, ayaa ku dhawaaqay “aag masiibo” ah wuxuuna ka digay “saameyn baaxad leh”, sida burbur soo gaadha guryaha iyo Cisbitaallada.

Duqa magaalada Montego Bay ayaa u sheegay BBC in waxa ugu horreeya ee ay sameyn doonaan ay tahay “hubinta in qof walba uu badqabo” – weriyahayaga jooga Kingston ayaa sheegay inaanay awoodin inuu la xidhiidho dadka si uu u ogaado xaaladoda.

Ka dib markii ay ku dhufatay Cuba, duufaantu waxay u dhaqaaqi doontaa waqooyi-bari ee Bahamas iyo Bermuda.