Xamaas oo ka hadashay weerarka ay Israa’iil ku Waddo Wali Qaza

0
57

Ugu yaraan 51 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay gudaha Qaza, sida laga soo xigtay saraakiisha difaaca madaniga.

CIsbitaallada maxalliga ayaa soo warinaya in tirada dhimashada ay intaas ka badan tahay. Israa’iil ayaa qaadday weerarka iyadoo sheegtay inay jawaab ugu dhigeyso Xamaas oo jabisay wixii lagu heshiiyay.

Xaafado, iskuullo, iyo dabaqyo ay dad deggenyihiin ayaa la duqeeyay.

Xamaas way iska fogeysay edeymaha Israa’iil ee ah inay burburisay wixii lagu heshiiyay, iyadoo dhankeedana sidoo kale Israa’iilku eedeysay inay jabisay heshiiska.

Waxay u muuqataa in labada dhinac, uu midba midka kale ku eedeynayo jebinta heshiiska.

Mar sii horeysay, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Asheegay in “waxba” aanay khatar gelin doonin xabbad joojinta Gaza, xitaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ka geysatay Qaza oo ay ku dhinteen ku dhanteen dad kor u dhaafaya boqol.

“Waxay dileen askari Israa’iili ah, sidaas darteed Israa’iiliyiintu way ka jawaabeen, waa inay ka jawaabaan,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta xili uu la socday diyaaradda Air Force One intii uu ku guda jiray safarkiisa Asia, eedeymahaas oo Xamaas ay beenisay.