Obi Mikel Oo Saadaaliyey Xulka Hanan Doona Horyaalka Sanadkan, Muxuuse Ka Yidhi Kooxdiisii Hore

0
63

Xiddigii hore ee Chelsea, John Obi Mikel, ayaa saadaaliyay in Arsenal ay ku guuleysan doonto Premier League xilli ciyaareedkan. Mikel ayaa sheegay in Gunners ay 22 sano kadib hanan doonaan horyaalka, isagoo sabab uga dhigay difaac adag oo ay kooxdu hadda leedahay. Sida uu sheegay Mikel, kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta waxay heysataa daafacyada ugu tayada sarreeya horyaalka, maadaama kaliya saddex gool laga dhaliyay siddeed kulan oo ay ciyaareen ilaa hadda. Wuxuu ku adkeystay in kooxda uu hore ugu ciyaari jiray ee Chelsea aanay ku tartami karin horyaalka iyadoo ay jiraan daafacyada hadda u ciyaaraya. “Waxaan sheegay marar badan, annaga [Chelsea] ma lihin daafac tayo leh oo ku filan tayada horyaalka” ayuu Mikel ka sheegay Obi One Podcast. Wuxuu sheegay in daafacyada Stamford Bridge, gaar ahaan kuwa dhexe, aanay wax guul ah keeni karin. “Ma qaadi karno Premier League, daafacyadan dhexe aawgood,” ayuu yidhi halyeeyga Blues. Mikel ayaa tusaale u soo qaatay sida Arsenal ay u muujisay muhiimadda daafac wanaagsan. “Hadda Arsenal waxaa laga dhaliyay saddex gool oo kaliya sagaal kulan,” ayuu yidhi xiddigii hore ee xulka Nigeria. “Waxaan ku celcelinay marar badan; haddii ay jirto koox horyaalka qaadi karta xilli ciyaareedkan, waa Arsenal. Waxay heystaan kooxda ugu fiican iyo kaydka ugu fiican.” Arsenal ayaa hadda afar dhibcood hoggaanka  miiska kala sarreynta ku heysa, halka Bournemouth ay si lama filaan ah booska labaad ugu jirto, kaddib markii Chelsea, Manchester City iyo Liverpool ay guuldarro la kulmeen toddobaadkan.