Israa’iil oo duqeymo wali Duqaymo ka Wadda Qaza

0
46

Israa’iil,ayaa wali duqaymo ka wadda Qaza isla markaana aan u hggaansamin xabad joojintii caalamku  u kala saxeexa Xamaas iyo Israa’iil.

In ka badan 100 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay mowjado duqeymo ah oo ay Israa’iil ay ka geysatay Qasa intii ka dambaysay kala saxeeashadii heshiiskii Masar, sida ay sheegeen hay’adda difaaca rayidka ee Xamaas ay maamusho iyo Cisbitaalladu.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen “tobaneeyo bartilmaameed iyo argagixiso” taasoo jawaab u ah jebinta Xamaas ee heshiiskii xabbad joojinta ee Maraykanku gadhwadeenka ka ahaa.

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa ku eedeeyay Xamaas weerar ka dhacay Gaza oo lagu dilay askari Israa’iili ah, iyo in ay jabiyeen sharuudaha soo celinta meydadka la haystayaasha dhintay.

Xamaas ayaa sheegtay in aanay wax xidhiidh ah la lahayn weerarka kana  ka go’an tahay heshiiska.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku adkeystay in aanay  waxba halis gelinIn  xabbad joojinta, laakiin wuxuu intaa ku daray in Israa’iil ay “dib u soo celiso” marka askarteeda la bartilmaameedsado.