Sir Bannaanka Timid: Ciyaartoyda Barcelona Oo Ka Soo Horjeestay Lamine Yamal!

0
274

Wargeyska reer Spain ee El Nacional ayaa sheegay in dhowr ciyaaryahan oo Barcelona ah ay ka muujiyeen walaac gudaha qolka labiska ah oo ku saabsan hadallada iyo hab-dhaqanka xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal, iyagoo muujiyay inuu talooyin qaldan oo dhaawici kara mustaqbalkiisa ciyaareed ka helo dad kale. Warbixinta ayaa tilmaamtay in walbahaarku sii kordhay kadib hadalladii uu Yamal sheegay ka hor kulankii El Clásico, markaasoo uu ku andacooday in “Real Madrid ay xatooyo sameyso isla markaana cawdaan.” Hadalkaas ayaa si weyn uga xanaajiyey ciyaartoyda Real Madrid, taasoo keentay muran kulul oo dhex maray labada koox kaddib kulankii ay Los Blancos 2-1. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in ay jiraan su’aalo laga qabo nolosha gaarka ah ee Yamal iyo dhaqankiisa bannaanka garoonka, taasoo keentay in maamulka Barcelona ay la xidhiidhaan wakiilkiisa Jorge Mendes, si loogu hago jihada saxda ah loogana caawiyo inuu diiradda saaro kubadda cagta, isagoo ka fogaanaya xaalado dhaawici kara sumcaddiisa iyo mustaqbalkiisa ciyaareed. Waxaa xusid mudan in Lamine Yamal loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan caalamka waqtigan, hase yeeshee kooxda Barcelona ayaa si weyn uga walaacsan noloshiisa gaarka ah, taasoo laga cabsi qabo inay saameyn ku yeelato waxqabadkiisa garoonka.