Hansi Flick Oo Barcelona Ku Qasbay Tallaabo Deg-deg Ah Kadib Guuldarradii El Clásico

0
151

Saxafiga José Álvarez ayaa shaaciyay in tababaraha Barcelona Hans Flick uu si rasmi ah uga dalbaday maamulka kooxda inay soo iibiyaan daafac dhexe oo bidix ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka ee soo socda, sababo la xidhiidha dhibaatooyinka difaac ee kooxda ka muuqda xilli ciyaareedkan. Sida uu sheegay Álvarez, Barcelona ayaa si weyn u dareentay tegista Iñigo Martínez oo xagaagii hore ku biiray Al-Nassr, waxaana weli muuqda doorkii uu ka tagay oo aan la buuxin. Si kastaba ha ahaatee, Barcelona kuma adkaan doonto in ay helaan daafac cusub, balse dhibaatooyinka dhaqaale ee kooxda ka jira awgeed, waa inay marka hore iibiso ciyaartoy ama hoos u dhigto mushaharka qaar si ay u waafajiyaan xeerarka dhaqaale ee La Liga (Financial Fair Play). Hans Flick wuxuu u arkaa in daafac cusub uu muhiim yahay, qoto-dheereynta safka difaaca, yaraynta khaladaadka waaweyn ee lagu arkay kulamada waaweyn iyo in kooxda dib loogu soo celiyo xasilloonida difaaca. Barcelona ayaa hadda si qarsoodi ah u qiimeynaysa dhowr daafac oo Yurub ka ciyaara, iyadoo go’aanka kama dambaysta ah la filayo in uu ku xirnaado dhaqaale ahaan waxa kooxda awood u yeelan karto bisha January.