Wasaaradda Maaliyadda JSL oo Qabatay Kulanka Xeerdejinta iyo Tafsiirka Shuruucda

0
73

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed xasan Saleebaan, ayaa shalay magaalada Hargaysa uga furay tabobar laba maalmood socon doona saraakiil ka kala socday Waaxyaha shuruucda ee hay’addaha dhaqaalaha iyo maaliyadda, waxaana lagu baranayaa Habraaca Xeer-dejinta iyo Tafsiirka Shuruucda.

Tabobarkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda, waxaana ka qaybgalay agaasimeyaasha waaxyaha shuruucda ee wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee bah-wadaagta ku ah dhinaca arimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda.

Ujeeddada tabobarkan ayaa ahaa in kor loogu qaado aqoonta iyo xirfaddaha sharci-dejinta ee masuuliyiinta u qaabilsan diyaarinta iyo dib-u-eegista xeerarka, si loo hubiyo in shuruucda dawladdu ay noqdaan kuwo waafaqsan dastuurka, caddaaladda, iyo mabaadi’da maamulka wanaagsan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xasan Saleebaan, oo furitaanka tabobarka ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la helo xirfadlayaal aqoon u leh diyaarinta iyo fasiraadda shuruucda, maadaama ay arrintaasi tahay tiir muhiim u ah hufnaanta maamulka iyo habsami-u-socodka shaqada dawladda.

“Ka Wasaaradd ahaan waxa naga go’an in aanu sii xoojino aqoonta iyo xirfaddaha shaqaalaha dawladda ee ku shaqeeya diyaarinta shuruucda, si loo helo nidaam sharci oo mideysan, cad, oo u adeegaya danaha guud ee qaranka, ayuu yidhi Agaasimuhu.

Geesta kale tababarkan ayaa mudada uu socdo waxay ka qaybgalayaashu ku baran doonaan habka iyo hanaanka loo diyaariyo xeerarka dawliga ah,

Qaabka ugu haboon ee tafsiirka looga bixiyo shuruucda iyo mabaadi’da tafsiir sharci, is-waafajinta xeererka iyo siyaasadaha dhaqaalaha dalka iyo doorka hay’addaha dawlada ee ilaalinta hurfnaanta sharci.

Gabogabadii, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa bilihii u dambeeyay qaaday tallaabooyin waaweyn oo lagu xoojinayo awoodda iyo aqoonta shaqaalaha dawladda, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta, maaliyadda, iyo qorsheynta horumarinta dhaqaalaha.