Xukuumadda Somaliland oo Dhaqangelisay Go’aamadii Gogosha Nabadda Sanaag

0
85

Ceerigaabo (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u muujisay go’aan adag oo ku saabsan fulinta heshiisyadii lagu gaadhay gogoshii nabadeed ee gobolka Sanaag iyo xalinta colaadihii ka dhashay khilaafaadkii siyaasadeed ee deegaannadaasi.

Xukuumadda JSL ayaa shalay si rasmi ah xal uga gaadhay khilaaf ka jiray deegaanka Ceeryaan, kaas oo u dhaxeeyay laba beelood oo walaalo ah oo halkaas wada dega. Go’aannadan lagu soo afjaray colaadda ayaa waxaa shaaciyey Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kuwaas oo fulintoodu muhiim u tahay dedaalada xukuumadda ee lagu adkayno xasiloonida iyo nabadda guud ee gobolka.

Go’aamadan, lagu soo afjaray khilaafkii muddada dheer ka jiray deegaanka Ceeryaan oo ee ay xukuumaddu ku dhawaaqday waxaa ka mid ah:

1- Inay ku bixiyaan labada beelood wixii Jifiyo ah ee ku kala maqan muddo 3 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maanta 29.10.2025 kuna eeg 29.01.2026

2- In wixii fur iyo Mag weynta ah ay ku bixiyaan muddo 8 bilood gudahood ah 29.10.2025 ilaa 29.06.2026.

3- In dhaawacyada la xaqo marka la bixiyo Jifiyaha, waxaana lala bixinayaa Xaqa dhaawacyada marka la bixinayo mag weynta.

Xukuumadda ayaa fartay Guddoomiyaha gobolka Sanaag inuu ku dabagalo labada beelood fulinta go’aankan, kuna ilaaliyo wakhtiga loo qabtay. Waxaana Wasiiru-dowlaha arrimaha guduhu uu sheegay inaanay kaga tagayn ee ay joogteynayaan in go’aamadaas sidooda loo fuliyo.