“Xukuumad ahaan Waxaa naga Go’an in aannu Dhiiri-gelino Aqoonta Dhalinyaradda”

0
44

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay horumarinta aqoonta iyo kartida dhalinyarada dalka. Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in reer Boorama iyo Jaamacadda Camuud ay hormuud ka yihiin horumarinta aqoonta, isla markaana fikradaha iyo hal-abuurka lagu soo bandhigay tartanka Abaalmarinta Tiknoolojiyada Somaliland ay mudan yihiin in la sii xoojiyo.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi waxa uu sidan ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibaddi tartanka Abaalmarinta Tiknoolojiyada Somaliland oo uu si rasmi ah u soo xidhay, waxaanu tilmaamay in xukuumadda wadajir iyo waxqabad ay dhiirigelinayso in la taageero hal-abuurnimada dhalinyarada iyo fikradaha cusub ee teknoolojiyadda, kuwaas oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo mid bulsho.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Reer Boorama in ay aqoonta Somaliland hormood u yihiin oo Jaamacada Camuud ka mid tahay Jaamacadaha hormoodka u ah dalka ayaynu ognahay, fikradihii halkan lagu soo bandhigay waxa ay u baahanyihiin in laga sii shaqeeyo.oo la sii horumariyo.”

Wasiir Khadar waxa uu intaasi ku daray “Xukuumad ahaan waxa naga go’an in aannu dhiirigalino dhalinyaradea Somaliland. Ujeedada Madaxweynuhu ka leeyahay arrintan waxa weeyaan in la horumariyo aqoonta, kartida iyo fikradaha ku jira dhalinyarada. Shirkadaha ugu lacagta badan wax soo saar ma laha, laakiin waxa ay isku geeyaan labo qof oo isu baahnaa, fikradahani shaqooyin ayay abuurayaan wax wayn ayaanay soo kordhinayaan.”