Wiilku isaga oo jooga koox ardaydiisa ka mid ah oo kulliyadda caafimaadka ay wada dhiganayeen, ayuu jiidhay gaadhi ku socday xawaare sare, waxa si degdeg loo geeyay ardayga isbitaalka jaamacadda.
Baadhistii dhakhaatiirta ka dib waxa loo sheegay in keliyihiisa midkood dhiig bax samaynayso oo uu kala doorto in laga saaro si uu u badbaado ama diido si uu u dhinto.
Wuxu doortay in laga saaro, dhowr maalmood ka dib isagoo caafimaaday oo hor fadhiya qolkiisa Isbitaalka waxa soo maray dhakhtarkii fuliyay qaliinkiisa isagoo dhoola cadaynaya waxaana uu ku yidhi: “ Ma maqashay, kelmadda Qadaa wal-Qadar” “ Go’aanka Allah iyo Qadarka” Arrinka Allah kuu qorayna kuma seegayaan” Ardaygii ayaa ku jawaabay “ Haa Macalin laakiin kelidaydii dhamayd ayan waayay”.
Dhakhtarka ayaa ku yidhi: “ Waan kula qabaa, laakiin ogow markii aanu baadhista kugu samaynay waxyeelada uu kuu geystay gaadhigu, waxaanu ogaanay in keliyahaaga midkood wax yar dhiigayso, waanu baadhnay waxaana noo cadaatay inay tahay bilowga xanuunka kansarka unugyada oo hadii markaa aan wax laga qaban mar danbe dhimasho keenaya”.
Ardayga ayaa ku yidhi: “ Markaa macalin waxyeelada ma gaadhiga ayay ka timi?” Dhakhtarka ayaa ku yidhi “ Maya, rumayso, haddii aanu gaadhigu ku jiidhi lahayn lama ogaan kareen sidiiba nooca kansarka unugyada gudaha wakhti aan waxba laga qabin karin ayaa la ogaadaa. Waxaana jira arrin wanaag ku leh oo aanad adigu ogayn. Ardayga aya hadalkiisa ku soo xidhay “ Allah mahad leh”. Ardaygu isagoo dhoolla caddeynaya ayuu yidhi: “Dabcan waa xukunka iyo doonista Allah, Alxam-dulillaah.”
Ibnul Qayim (Ibn Al-Qayim) wuxuu yidhi:
“Haddii addoonku ogaan lahaa sida Eebbe ugu maareeyo oo habeeyo arrimihiisa, xaqiiqdii wuxuu ogaan lahaa in Allah (sw) uu ka naxariis badan yahay hooyadiis iyo Aabbihiiba, qalbigiisuna wuxuu u gaar noqon lahaa jacaylka Allah.”

























