Cisbitaalka Hargeysa oo Shaaciyay inuu u Baahanyahay Taageero Qaran iyo Mid Caalami ah

0
64

Barnaamijkeena caafimaaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadn doona, guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland oo u yeedhay Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, iyagoo ka dhegeystay warbixinno ku saabsan xaaladda adeegyada caafimaad, horumarka iyo caqabadaha haysta cisbitaalka ugu weyn dalka.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa,Dr. Axmed Wali Daahir, ayaa mudenayaasha guddida joogtada ah ee golaha guurtida uga warbixiyey marxaladihii uu soo maray cisbitaalku tan iyo markii la aasaasay 1953-kii, isagoo xusay in cisbitaalkaasi uu yahay kii ugu horreeyey ee laga dhiso Somaliland.

Sidoo kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay sida ay ahayd xaalada cisbitaalku markii uu xilka la wareegay, waxaanu sheegay in markii uu xilka la wareegay, uu la kulmay shaqaale mushahar la’aan ah laba bilood, tiradooduna ahayd 1,350 qof, waxaanu caddeeyay in 80% mushaharka shaqaalaha uu bixiyay cisbitaalka laftiisa, halka 20% ay bixiso dawladda, waxa uu intaas ku darey in cisbitaalka lagu lahaa deyn dhan 1 milyan dollar, oo ay ku lahaayeen farmasiyeyaasha dawooyinka.

Geesta kale mudadii uu xilka hayay 3 bilood gudahood, maamulka cisbitaalka waxa uu ku guuleystay in uu xaliyo mushaharkii shaqaalaha ee maqnaa, yareeyo deyntii lagu lahaa iyo in uu dib u habeeyo nidaamka shaqada iyo maamulka.

Adeegyada iyo horumarka cusub

Agaasimuhu waxa uu farta ku fiiqey adeegyada iyo horumarka ay cisbitaalka ku soo kordhiyeen, waxa uu tilmaamay in hadda uu leeyahay shaybaadho cusub oo lagu baadho hooyada iyo dhallaanka, lagu soo kordhiyey mishiinno casri ah, sida kuwa qalliinka iyo mishiinka ogsajiinta ee dadka neeftu ku adkaato iyo in maalin kasta ay  soo booqdaan cisbitaalka in ka badan 1,000 qof, sariiraha yaalaana ay dhan yihiin 512 xabo.

Agaasimuhu waxa uu daaha ka feyday adeeg-bixinta caafimaadka ee ay bulshada siiyaan bulshada isaga oo mid mid u dul istaagey, waxaanu tilmaamey  in waaxda Kelyaha   250 bukaan in si joogto ah  kelyaha loogu sifeeyo, daweyntuna waa lacag la’aan, iyadoo dawladda ay bixiso kharashka, in waaxda Hooyada iyo Dhallaanka dhammaan adeegyada qalliinka iyo dhalmaduba ay bilaash yihiin, in qalliinnada waa weyn cisbitaalku   uu ku sameeyaa $1,000, halka cisbitaalada gaarka loo leeyahay ay ku sameeyaan ilaa $6,000 iyo in bil kasta cisbitaalku uu bixiyo $50,000 ilaa $70,000 oo ku baxda soo saarista ogsajiinta.

Dhanka kale waxa uu iftiimiyay caqabadaha ka jira cisbitaalka waxa uu hoosta ka xariiqey in dhismaha cisbitaalka uu yahay kii hore ee la dhisay 1953-kii, isla markaana aad u duugoobay, in miisaaniyadda dawladda ee la siiyo cisbitaalka ay tahay 12% oo keliya dakhliga guud ee uu u baahan yahay iyo cisbitaalku guud ahaan uu u baahan yahay $600,000 si uu si buuxda u daboolo adeegyada bulshada.

Qorsheyaasha horumarineed ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ay ka sameeyeen mudadii koobneyd ee uu xilka hayay, waxa uu sheegay in uu socdo qorshe lagu dhisayo dhisme cusub oo saddex dabaq ah, kaas oo lagu beddeli doono qayb ka mid ah dhismihii hore.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hore u dhagax dhigay dhisme casri ah, oo ay fulin doonto Dowladda Taiwan iyada oo iska kaashanaysa Xukuumadda Somaliland.

Qorshuhu waa in la keeno mashiinno caafimaad oo casri ah, si bulshada loogu adeego gudaha dalka, loogana maarmo safarrada caafimaad ee dibadda.

Waxaa la doonayaa in la sameeyo Sanduuq Horumarineed oo lagu taageero adeegyada caafimaad ee bulshada.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa, Axmed Wali Daahir, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Cisbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu bixiya adeegyo caafimaad oo badan oo bilaash ah, gaar ahaan hooyada, dhallaanka, iyo waaxda kelyaha, halka cisbitaalada gaarka loo leeyahay ay qaadaan lacag aad u badan.

Cisbitaalka wuxuu wajahaa caqabado ay ka mid yihiin mushaharka shaqaalaha oo hore uga maqnaa iyada oo hadda ay qaataan mushaharkooda, qalabka caafimaadku cisbitaalka kuma fila iyo kharashyo badan sida oxygenta.

Ka maamul ahaan waxa aanu sameynay dib-u-habeyn shaqaalaha (1350 qof), waxaanu bixiney mushaharka, horumariyay adeegyada takhasuska leh, kordhiney qalabka muhiimka ah, oo ujeedadu tahay in bulshada adeeg caafimaad oo dhamaystiran ka hesho cisbitaalka, isla markaana laga yareeyo ku-tiirsanaanta cisbitaalada gaarka loo leeyahay.

Hadafkayaga mustaqbalku waa in aanu keeno Mishiino adeeg-bixinta caafimaadka bulshada wax weyn ka tara, kana faa’ideysato sannadkan soo socda haddii Alle yidhaahdo, horumarino cisbitaalada cusub ee galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa, shaqaalaha dhisno khibradooda iyo aqoontooda anaga oo siineyna tababaro  iyo xirfado aqoon  korodhsiga shaqaalaha iyadoo lala kaashanayo Taywan iyo khubaro caalami ah.”

Dr. Cabdiqaadir Axmed Maxamed, agaasimaham iyo lacagta, ayaa sheegay in cisbitaalku hadda ku howl-galo mashiinnada X-ray iyo Ultrasound, balse weli u baahan mashiin baadhaya uurka, waxa uu intaas ku darey in dhibaatada ugu weyn waa dakhliga oo aan ku filneyn iyo korodhka baahida bulshada oo hadda gaadhay in ka badan 4 milyan qof, iyo miisaaniyadda ka timaadda dowladda ay tahay 12%, hay’adaha gargaarkuna 20%, halka inta kale uu bixiyo cisbitaalka laftiisu.

Dr. Cabdicasiis Cumar  agaasimaha adeegyada Caafimaadka cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay cisbitaalka guud ee Hargeysa uu u adeego dad ka kala yimaada dhammaan gobollada dalka iyo in maamulka cisbitaalku xoogga saarayo tayeynta adeegyada caafimaad iyo kor u qaadista xirfadda shaqaalaha si bulshada si fiican loogu adeego.

Kulanka Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida iyo Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxa uu iftiimiyey, horumarka muuqda ee maamulka cusub ku sameeyey cisbitaalka guud, caqabadaha dhaqaale iyo qalab ee wali hortaagan bixinta adeegyo caafimaad oo dhamaystiran iyo baahida loo qabo taageero qaran iyo mid caalami ah si cisbitaalka loo casriyeeyo, loona kordhiyo awoodda uu