Toulon, Raphaël Balland oo ah Macallimada dhigta maadada Arts ama Farshaxanka, ayaa ku jirta cisbtiaalka ka dib markii Wiil 14 jir ah oo ka mid ah ardaydeeda uu mindi ku dhuftay. Wiilkan yar oo aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay booliiska Faransiiska inuu u weeraray “nacayb dartii”, sida uu sheegay dacwad oogaha.
Xaaladda haweeneydan 60 jirka ah, ayaa weli ah “walaac halis ah” ka dib markii saddex ilaa afar jeer laabta looga geliyay mindi iyada oo ku sugan fasalka ardaydeeda oo dhammaa 22 arday oo kuna sugan koonfur-bari Faransiiska Salaasadii , sida uu sheegay sarkaal maxalli ah.
Dacwad oogaha, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wiilku uu si qorsheysan u maleegay weerarka, isaga oo booliska u sharraxay inuu mindi ka soo qaatay gurigooda isaga oo ujeeddadiisu ahayd “inuu mindi ku dhufto macallinkiisa”.
Dugsiga La Guicharde, oo ku yaal Sanary-sur-Mer, ayaa laga daadgureeyay dadkii ku jiray, casharradiina waa la joojiyay maalintii xigtay.
Dacwad oogaha wuxuu sheegay in aanay jirin sabab diimeed ama siyaasadeed oo loo soo maleegay, waxaana la sheegay in ardaygu uu ka xumaaday in macallinku uu soo sheegay dhowr dhacdo oo anshax xumo ah oo ka dhan ah, taas oo wiilku uu ku sheegay “mid aan caddaalad ahayn”.
Wiilka dhallinyarada ah ayaa u sheegay mas’uuliyiinta inuu “aad uga qoomameynayo” weerarka, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP. Go’aan ku saabsan in la xidho ka hor maxkamadeynta ayaa la gaadhi doonaa marka uu maxkamadda soo xaadiro.
Haweenayda, oo dugsiga ka shaqaynaysay 28 sano ah, sida ay sheegtay AFP, waxay ku jirtaa Isbitaalka Ciidanka ee Sainte-Anne ee Toulon. Waxaa la sheegay in la dejiyay qalliinka ka dib laakiin ay weli ku jirto xaalad halis ah.
Waa weerarkii ugu dambeeyay ee taxane ah oo ay ardayda ku qaadeen iskuulada Faransiiska sanadihii ugu dambeeyay.
Sannadkii hore, gabadh 14 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay dishay kaaliye macallin ka dib markii la sheegay inay mindi ku dishay bishii Juun.
Kiis kale oo dhacay bishii Abriil, arday ayaa dilay gabadh dhowr kalena dhaawacay weerar mindi ah oo ka dhacay magaalada galbeed ee Nantes.
Sannadkii 2020, macallin Samuel Paty ayaa waxaa dilay qaxooti reer Chechnya ah oo ka baxsan iskuulkii uu wax ka dhigi jiray oo ku yaal xaafad ka tirsan Paris, weerarkaas oo ay kicisay xagjirnimo diimeed.
Wasiirka waxbarashada Édouard Geffray, oo booqday iskuulka Toulon Salaasadii, ayaa weerarka ku tilmaamay mid “aan la aqbali karin” wuxuuna sheegay in tan iyo bishii Maarso ee sannadkii hore, 525 hub oo af leh lagu qabtay iskuulada “ka hor inta aanay waxyeello geysan”.
“Iskuulladuhu waxay ka turjumaan bulshadeenna, mana joojin karaan kor u kaca rabshadaha afka iyo jirka ee lagu garto waqtigeenna,” ayuu ku qoray X.
“Caqabadda dhabta ah ayaa halkan taal: shaqada aasaasiga ah si loo yareeyo xiisadaha. Tani waxay ku lug leedahay qoysaska, shaqaalaha waxbaridda, saraakiisha la doortay, iyo muwaadin kasta. Kani waa dagaal aan wada jirno.”






















