Anne Ndarua waxay ceshan kari weyday ilmada markii ay ka hadashay wiilkeeda keliya oo ay ugu danbaysay Lix bilood ka hor, Francis Ndung’u Ndarua wuxuu tegay Ruushka isaga oo ballanqaaday inuu shaqo ka heli doono isaga oo ku shaqaynaya injineer koronto. Ma aanay awoodin inay la xidhiidho tan iyo bishii Oktoobar mana hubto inuu nool yahay iyo in kale.
Bishii Diseembar, qof ayaa Anne u soo diray muuqaal wiilkeeda oo uga digaya dadka kale ee Afrikaanka ah in aanay u safrin Ruushka si ay u helaan shaqo. “Waxaad ku dambayn doontaa in laguu qaado militariga xitaa haddii aadan waligaa ka shaqayn militariga, waxaana laguu qaadayaa dagaalka safka hore. Waxaana jira dilal dhab ah,” ayuu ku yidhi muuqaalka, oo laga soo diray lambar aan la garanayn oo Kenyan ah. “Saaxiibo badan ayaa ku dhintay magaca lacagta.”
Qiyaastii toddobaad ka dib, muuqaal naxdin leh oo laga duubay Francis ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada. Isaga oo xidhan dharka ciidanka, oo miinada dhulka ay ku xidhan tahay laabtiisa, wuxuu u muuqdaa mid cabsanaya isaga oo ah Askari Ruush ah oo adeegsanaya hadallo cunsuriyad ah uu la hadlayo, wuxuuna sheegay in loo isticmaali doono jiida hore si ay u jebiyaan goobaha ciidamada Yukrayn.
“Waa wax laga naxo,” Anne ayaa u sheegtay CNN, iyada oo sheegtay inaysan daawan ka dib markii gabadheeda ay u sharaxday muuqaalka. Iyada oo ka naxday dhibaatadiisa, waxay ogolaatay oo keliya in la wareysto si ay isugu daydo in dowladaha Kenya iyo Ruushka ay tallaabo qaadaan.
“Waxaan ka codsanayaa dowladaha Kenya iyo Ruushka inay iska kaashadaan sidii carruurtaas loogu soo celin lahaa guriga,” ayay tidhi. “Waxay ka been sheegeen shaqooyinka dhabta ah haddana waxay ku jiraan dagaal iyaga oo naftooda halis ku jira.”
Francis, oo 35 jir ah, wuxuu ahaa shaqo la’aan wuxuuna hooyadiis kula noolaa guri yar oo ka baxsan caasimadda Kenya ka hor inta aanu bixin, isaga oo bixiyay qiyaastii $620 wakiil si uu fursadda u fududeeyo. Anne way la yaabtay markii Francis uu qoyska u sheegay in lagu qasbayo tababar milatari markii uu gaadhay Ruushka. Waxaa loo diray Ukraine ka dib saddex toddobaad oo tababar aasaasi ah, ayay tidhi.
Baaritaan ay samaysay CNN ayaa lagu ogaaday faahfaahin cusub oo ku saabsan xeeladaha shaqaalaysiinta ee wakiillada Ruushka ee qaaradda, iyada oo la soo bandhigay ballanqaadyo qurxoon oo loogu tallo galay ugaadhsiga shaqo doonka Afrikaanka ah iyo xaqiiqada ah in lagu qasbayo ciidan iyo dagaallo safka hore ah oo dhiig badan ku daatay oo dad badan ay arkaan. CNN waxay dib u eegis ku samaysay boqolaal sheeko oo ku saabsan barnaamijyada fariimaha, qandaraasyada militariga, fiisooyinka, duulimaadyada iyo ballansashada hoteellada, iyo sidoo kale ururinta akoonnada gacanta koowaad ee dagaalyahannada Afrikaanka ah ee Ukraine, si loo fahmo sida Ruushku u soo jiito ragga Afrikaanka ah si ay u xoojiyaan darajadooda.
Dhowr dowladood oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan Botswana, Uganda, Koonfur Afrika iyo Kenya, ayaa qiray baaxadda dhibaatada. Warbaahinta maxalliga ah ayaa faahfaahin ka bixisay sida muwaadiniinta loogu khiyaameeyey inay noqdaan calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ku sugan Ukraine, mas’uuliyiintuna waxay uga digeen kuwa kale inay raacaan tallaabadaas.
Wasaaradda Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee Ruushka kama aanay jawaabin codsiga CNN ee ah in faallo laga bixiyo eedaha sheegaya in qaar ka mid ah shaqaalaysiinta la marin habaabiyay ama la qasbay. CNN waxay sidoo kale la xiriirtay safaaradda Ruushka ee Nairobi si ay faallo uga bixiso.
‘Hal senti lama siin”
CNN waxay la hadashay 12 dagaalyahan oo Afrikaan ah oo weli ku sugan Ukraine – oo ka kala yimid Ghana, Nigeria, Kenya iyo Uganda – kuwaas oo sheegay in la siiyay shaqooyin rayid ah sida darawallo ama ilaalo amni. Inta badan waxay sheegeen in loo ballan qaaday gunno saxiix ah oo dhan $13,000, mushahar bille ah oo gaadhaya $3,500, iyo dhalashada Ruushka marka ay dhammeeyaan shaqadooda.
Laakiin markii ay ka degeen Ruushka, waxay sheegeen in lagu qasbay inay galaan militariga iyada oo la siiyey tababar dhowr todobaad ah hor inta aan loo dirin jiida hore. Waxaa lagu qasbay inay saxiixaan qandaraasyada adeegga militariga ee Ruushka iyada oo aan la siin qareenno ama turjumaad, ayay yidhaahdeen. Qaarkood waxaa laga qaaday baasaboorradooda.
In kasta oo sharciga Ruushku uu dhigayo in ajaanibta yaqaan luqadda oo keliya ay noqon karaan askar, haddana mid ka mid ah Afrikaanka oo ay wareysatay CNN ma ahayn qof ku hadla luqadda Ruushka. Mushaharkooda iyo gunnooyinkoodu way ka duwan yihiin kuwa la siiyo askarta Ruushka, kuwa wax la siiyo waxa gunnada loogu shubaa Akoon Banki, waxaa la siiyaa kaadhka iyo furaha la socodka Akoonka. Qaarkood waxay sheegeen asxaabta Ruushka inay xadeen akoonnadooda bangiga.
“Intii aan ku jirnay safka hore, askari Ruush ah ayaa igu qasbay inaan siiyo kaadhka bangigayga iyo lambarka sirta ah, ka dib markii uu qori igu qabtay,” ayuu yidhi mid ka mid ah dagaalyahannada Afrikaanka ah isaga oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. Markii uu hubiyay, ku dhowaad $15,000 oo ka mid ah gunnadiisa in ay ku jiraan ayaa lagala baxay, taas oo ka dhigtay akoonkiisa mid madhan, ayuu yidhi. “Waxaan halkan joogay toddobo bilood, weli hal senti la ima siin. Waxay sii wadaan ballanqaadka inay hubinayaan laakiin waxba ma dhicin.” Afar kale oo la yimid Ruushka ayaa dhintay, ayuu yidhi isaga oo iska tiraya ilmada ka timi indhihiisa.
Marka lagu qorayo shaqadan khiyaanada ah waxaad bixinaysaa lacag aad siinayso cida ku qoraysa kuwa Kenya ee la soo qoray wakiil Kenyan ah ayaa qiyaastii ka qaaday $620 isaga oo ballanqaaday inuu heli doono gunno saxiix ah oo dhan $23,000 oo Moscow ah. Waxa lagu soo qoraa in ay ka shaqayn doonaan shaqooyin ilaalo ammaan ah, laakiin waxay ku danbeeyeen jiidaha hore. Waxaa la siiyay saddex toddobaad oo tababar militari oo aasaasi ah iyo maaraynta hubka.
Njoki oo ka yimi Kenya, wuxuu ku andacoonayaa in dagaalyahannada Afrikaanka ah si ula kac ah loogu soo bandhigay xaalado khatar ah si ay u helaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine. “Waxay dadka u sheegaan inaad ilaalin doonto goobta, inaadan weerarka u geli doonin, laakiin waxaad isku aragtaa inaad ku sugan tahay aagga hore, oo dagaallameyso.”. Njoke wuu cararay wuxuu tegay St. Petersburg, ka dibna waxa uu gaadhay safaaradda Kenya ee Moscow, halkaas oo uu ka soo laabtay gurigiisa.”Waxay dadka u sheegayaan been. Lacagta ay dadka u sheegaan inay bixinayaan, taasi run ma aha,” ayuu ka yidhi shaqaalaysiinta Ruushka.






















