Sir Wayn: Farriintii Sababtay In Ronaldo Diido Inuu U Ciyaaro Al Nassr oo la ogaaday

0
253

Waxaa la shaaciyay in farriin qoraal ah oo uu diray xiddigii hore ee Al-Hilal, Karim Benzema, ay sababtay jahawareer ku dhacay saaxiibkiisii hore ee Real Madrid, Cristiano Ronaldo, taasoo keentay in Ronaldo uu qaado tallaabo shaqo-joojin ah oo uu kaga falcelinayo xaaladda ka taagan Al-Nassr.

Wararku waxay sheegayaan in arrintan ay soo baxday kadib markii Benzema uu bishii Jeeniweri ka dhaqaaqay Al-Ittihad una wareegay Al-Hilal, isaga oo ku biiray kooxda Riyadh maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga.

Sida ay qortay warbaahinta Telegraph, Benzema ayaa fariin u diray Ronaldo xilli uu dhammeystirayay heshiiskiisa cusub. Farriintaas ayuu ku sheegay si kaftan ah inuu heli doono mushahar kordhin isla markaana uu ku guuleysan doono horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaan ku farxin warka ku saabsan ku biirista Benzema ee Al-Hilal. Xiddiga reer Portugal ayaa la sheegay inuu diiday inuu u ciyaaro Al-Nassr labadii kulan ee ugu dambeeyay, isaga oo muujinaya cabasho ku aaddan sida uu u arko in si aan caddaalad ahayn loola dhaqmay, gaar ahaan marka loo eego xoojinta ay heshay Al-Hilal.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Ronaldo uu gudbiyay liis shuruudo ah, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda haddii dalabaadkiisa aan la fulin.