“Somaliland: Awoodda Qarsoon ee Badda Cas” HoA Impact

0
53

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta HoA Impact ayaa sheegtay in caalamku si dhab ah u garwaaqsaday xaqiiqada madaxbannaanida Somaliland, iyadoo waddamada ugu awoodda badan adduunka ay si dhow u bilaabeen inay si dhab ah u qiimeeyaan xaaladda Somaliland. Warbixintu waxay sidoo kale muujineysaa in Somaliland, oo ku taalla isgoys muhiim ah, ay hadda si weyn u soo jiidanayso dareenka caalamka. Isla markaana caalamku fiiro gaar ah u yeeshay Somaliland.

Waxa kale waxa lagu sheegay in adkaysiga iyo go’aan qaadashada shacabka Somaliland ee muddo dheer ku adkeysanayay nabadda iyo xasilloonida ay ka mid yihiin sababaha ugu weyn ee keenay in ugu dambeyntii caalamku dhegeysto. sidoo kalena ay Somaliland muujisay in ay diyaar u tahay inay ka muuqato siyaasadda caalamiga ah, iyada oo sidoo kale u soo bandhigtay fursado cusub oo ku saabsan dib u habaynta iyo horumarka dalka.

 

Warbixinta HoA Impact waxa kale oo ay tilmaantay in xeebaha Somaliland ay ku fidsan yihiin 850 kiiloomitir oo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka isla markaana ah mid istaraatiijiya oo muhiimad weyn u leh ganacsiga iyo dhaqaalaha adduunka, taasoo Somaliland ka dhigaysa awood muhiim ah oo saameyn ku leh siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika iyo guud ahaan adduunka.

Warbixintu waxa ay inta badan, si cad u muujinaysaa sida Somaliland ay u tahay awood ballaadhan balse aan weli si buuxda looga aqoonsan adduunka, balse ay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah qarandi dimuquraadi ah uu si dhab ah ay u soo bandhigeyso awooddiisa iyo muhiimada juqraafiyeed ee uu caalamka ugu fadhiyo. Waxay iftiiminaysaa in xasilloonida iyo nabadda dalku ay yihiin qayb ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, warbixinta oo falanqaynaysa muhiimadda iyo horumarka dekeda Berbera ayaa lagu yidhi “Xeebta Somaliland waxaa ku yaal dekedda Berbera, oo ah marin ganacsi oo muhiim ah. Berbera waxay si tartiib tartiib ah u soo jiidanaysaa xiisaha shirkadaha caalamiga ah. Heshiis taariikhi ah oo lala galay DP World ayaa ka dhigay dekedda Berbera xarun caalami ah, iyadoo hadda loo adeegsanayo isku xidhka Itoobiya iyo Geeska Afrika. Maalgelinta iyo qorshayaasha dhismaha ee Berbera waxay soo bandhigayaan qorshe weyn oo loogu talagalay kobcinta dhaqaalaha gobolka iyo sare u qaadista awoodda Somaliland.”

Waxa kale oo ay warbixintu intaasi raacisay “Somaliland waxaa ku jira sanduuq ama khasnad oo aan la taaban, iyadoo ay ku fidsan yihiin khayraadka macdanta sida Litium, Yuuraaniyam, birta, naxaasta, iyo macdanta kale ee dunida naadirka ku ah, dhammaan khayraadkaas dabihiiga ah ayaa ka mid ah hantida Somaliland kuwaas oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka. Kheyraadkan waxay Somaliland u noqoneysaa meel lagu kalsoon yahay oo loogu talagalay tamarta cagaaran iyo tiknoolajiyadda.”

Gabagabadii warbixinta HoA Impact ayaa lagu yidhi “Somaliland waxay sidoo kale leedahay awood shidaal iyo gaas. Inkasta oo horumarinta saliidda, kuwaas oo ay sahamiyeen shirkado maalgashioo caalami ah. Somaliland waxay hadda leedahay xuquuqda iyo xogta la xidhiidha kheyraadkaas. Xasilloonideeda ayaa fure u ah xiisaha caalamiga ah ee ay ku soo jiidatay shirkadaha tamarta iyo macdan-qodista.”