Maayarka Hargeya oo Safar Rasmi ah ku Tegay Magaalada Bristol

0
52

Bristol (Dawan) Duqa degmada Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, iyo qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Bristol ee UK, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Maayarka Bristol, Tony Dyer. Soo-dhawayntan ayaa ka tarjumaysa xidhiidhka wanaagsan iyo iskaashiga magaalooyinka Hargeysa iyo Bristol, iyadoo la xoojiyay wada-shaqaynta, wax-wada-qabsiga, iyo adeegyada bulshada.

Intii uu safarku socday, Duqa Hargeysa iyo weftigiisu waxay kulammo la yeesheen hoggaanka iyo waaxyaha Golaha Deegaanka Bristol, gaar ahaan kuwa Xidhiidhka Caalamiga, Horumarinta Dhaqaalaha, Caafimaadka, iyo Maaraynta Qashinka, si ay u bartaan khibradaha iyo tusaalooyinka guuleysta ee adeegyada dadweynaha. Duqa Hargeysa ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Alderwoman Hibaaq Jama oo door muhiim ah ka qaadatay fududaynta safarkan.

Maayarka Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbanaan oo buuxiyey dhamaan shuruudihii qaran looga baahnaa, isla markaana diyaar u ah inuu la macaamilo dalalka dunida. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in xiriirka Somaliland iyo Dowladda Ingiriiska uu leeyahay taariikh dheer, isagoo xusay in ballanqaadyo muhiim ah laga sameeyay Maayarka iyo Golaha Deegaanka Bristol. Safarkani waxa uu bilow u yahay xoojinta iskaashiga labada magaalo, iyadoo la sii wadi doono wadahadallo iyo qorshayaal wax ku ool ah oo ka tarjumaya danaha labada bulsho.

Maayar Mooge waxa uu sidoo kale guul weyn ku tilmaamay in Somaliland ay tahay qaran aan wax deyn ah lagu lahayn, sidoo kale diyaar u ah inuu la macaamilo dalalka dunida. waxaanu yidhi “Maalmaha aan joogayo UK way kooban tahay,waxaan u imi ballan aan la lahaa Maayarka iyo golaha deegaanka Bristol, waxaan rejeynayaa in dalkeenu guuleysto oo qaddiyadeena adduunku maqlo. Dowladda Ingiriiska waxa inaga dhaxaysa taariikh aan wada leenahay, 34 ayaynu buuxinay shuruudihii qaran looga baahnaa, waana inoo faan in maanta Somaliland tahay Qaran aan dayn lagu lahayn xilli dunidu dayn aasan tahay”Maayarka Caasimada Hargeysa