Xafiiska Hantidhawraha oo Todoba Sarkaal u Xidhay Lunsiga Hanti Qaran

0
57

Burco (Dawan) Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa xabsi dhexe ee Burco u taxaabay toddoba (7) masuul oo ka mid ah Dawladda Hoose ee Degmada Burco, kuwaasi oo lagu eedeeyey lunsi hanti qaran iyo ku takrifal hanti dadweyne, kaddib baadhis dheer oo ay xafiisku ka wadeen hawlaha maaliyadeed iyo maamul ee dawladda hoose.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa lagu sheegay in masuuliyiintan la xidhay ay ku lug lahaayeen falal la xidhiidha musuq-maasuq, isla markaana ay jabiyeen shuruucda iyo nidaamka maaliyadeed ee Qaranka. Baadhistu waxay si gaar ah diiradda u saartay iibka dhulka, xisaabaadka, iyo hab-maamulka hantida dawladda hoose.

Masuuliyiinta la xidhay waxay isugu jiraan xilal muhiim ah oo saameyn toos ah ku leh dakhliga iyo hantida dadweynaha, kuwaasi oo kala ah xoghayaha fulinta, xisaabiyihii dawladda hoose, madaxa iibka, madaxa jaangoynta dhulka iyo joomitirro (cabbirayaasha dhulka).

Masuuliyiinta Xabsiga Burco loo taxaabay ayaa kala ah, Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Degmada Burco Amiin Cabdilaahi Yaasiin, Madaxdii Jaangoynta dhulka ee Burco Diiriye Sugaal Rooble, Xisaabiyihii dawladda hoose ee Burco Cabdilaahi Muuse Maxamed, madaxa iibka dawladda hoose ee Burco Cabdicasiis Jaamac Ismaaciil iyo Joomitirada kala ah Maxamed Xaaji Muuse Shire, Faarax Muuse Siciid iyo Maxamed Cali Xirsi.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday baadhisyo ballaadhan oo ka socda degmooyinka Burco iyo Ceerigaabo, kuwaasi oo lagu soo bandhigay masuuliyiin lagu helay falal musuq-maasuq ah. hase yeeshee, ilaa hadda wax war rasmi ah lagama soo saarin natiijada baadhista ay xafiisku ka wadaan Dawladda Hoose ee Ceerigaabo.

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, ayaa sannad walba fuliya baadhisyo isugu jira kuwo maaliyadeed iyo sharci, kuwaasi oo lagu sameeyo hay’adaha dawladda iyo kuwa madaxbannaan. Baadhisyadan waxa ka mid ahaa kuwo lagu sameeyey hay’ado ay ka mid yihiin Guddida Tacliinta Sare iyo Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland, Muuse Yuusuf Cismaan (Idigaa), ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ku dadaalay adkaynta isla-xisaabtanka, ilaalinta hantida Qaranka, iyo la dagaallanka musuq-maasuqa ku dhex jira hay’adaha dawladda. Dadaalladaasi waxay horseedeen in la qaado tallaabooyin sharci ah oo ay ka mid tahay in kiiskan loo gudbiyo hay’adaha garsoorka, isla markaana masuuliyiintan lagu xidho xabsiga Burco si loo marsiiyo caddaaladda.

Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa ilaalinta, isla-xisaabtanka, iyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dawladda Somaliland.