Wararka ka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid ay bilaabeen inay su’aal ka keenaan go’aamada tababare Álvaro Arbeloa.
Sida lagu daabacay Sport.es, xaaladdan ayaa la mid ah wixii hore uga dhacay kooxda xilligii Xabi Alonso, halka qaarkood ay xitaa iska indho-tireen talooyinkii Carlo Ancelotti sanadihii ugu dambeeyay.
Inkasta oo maamulka sare si rasmi ah u taageerayo Arbeloa, haddana warbixintu waxay tilmaamaysaa in si dadban loo oggol yahay shakiga ciyaartoyda ee ku saabsan qaar ka mid ah go’aamadiisa farsamo iyo xeeladeed.
Dhanka kale, kooxda iyo maamulka ayaa muujiyay rajo wanaagsan, iyagoo sheegay in jawiga tababarku ka fiicnaaday, isla markaana anshaxa si yar loo dabciyay si ciyaartoydu ugu raaxaystaan shaqada maalinlaha ah.
Si kastaba ha ahaatee, Arbeloa ayaa la sheegay inuu wajahayo waxa loogu yeero “maamulidda qolka labiska,” arrin hore dhibaato ugu noqotay Alonso. Waxaa muuqata in kalsoonida buuxda ee tababaraha aannay weli si buuxda uga dhex dhalan ciyaartoyda.
Home Barnaamijyada ciyaaraha Ciyaartoyda Real Madrid Oo Ka Gadooday Álvaro Arbeloa; Maxaa Isbeddelay?




















