Barcelona Oo Xaqiijisay Dhaawaca Labo Xiddig Oo Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Atletico Madrid

0
45

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Marcus Rashford uu seegi doono lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey ee ay la ciyaarayaan Atlético Madrid, kaddib dhaawac jilibka bidix ah.

Warbixinta caafimaad ee kooxda ayaa sheegtay in Rashford uu dareemay xanuun jilibka bidix kadib jug soo gaadhay kulankii ay la yeesheen RCD Mallorca oo sabtidii ka dhacay garoonka Spotify Camp Nou.

Weeraryahanka reer England ayaa hadda ka maqnaan doona kulanka muhiimka ah ee Copa del Rey, iyadoo aan weli la ogeyn inuu diyaar u noqon doono ciyaarta La Liga ee Isniinta ay la leeyihiin Girona.

Sidoo kale, xiddiga reer Brazil ee Raphinha ayaa isna ka maqnaan doona kulanka Atletico Madrid sababo la xidhiidha dhaawac muruqa bowdada.