Manchester United oo Doonaysa Tababare Leh Sifooyinkan

0
56

Maamulka sare ee Manchester United ayaan qorsheynaynin inay si degdeg ah u magacaabaan tababare joogto ah, inkastoo Michael Carrick uu ku bilowday si cajiib ah xilka ku-meel-gaarka ah.

Sida ay sheegtay Sky Sports, go’aan kama dambeys ah lama filayo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, iyadoo Carrick aannu hadda ahayn musharraxa ugu horreeya ee jagada si rasmi ah loo siiyo.

Tan iyo markii uu xilka qabtay, United kama aannay badin shan kulan oo xidhiidh ah, iyagoo guulo ka gaadhay Arsenal, Manchester City, Tottenham iyo Fulham, halka ay barbaro la galeen West Ham. Guulahaas ayaa sare u qaaday kalsoonida lagu qabo awooddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa dooneysa tababare leh waayo-aragnimo la xaqiijiyay, shakhsiyad adag iyo awood uu kula tacaalo cadaadiska Old Trafford.

Haddii Carrick uu kooxda ku hoggaamiyo u soo bixitaanka Champions League, fursaddiisa xilka joogtada ah way sii xoogeysan kartaa. Laakiin guushaas ayaa sidoo kale soo jiidan karta tababarayaal kale oo heer sare ah.

Fariinta United waa mid cad: ma jiri doonto go’aan degdeg ah oo ku saleysan natiijooyinka hadda jira.