Kooxda Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay kala tageen tababarihii kooxda, Thomas Frank, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen.
Bayaan ka soo baxay kooxda ayaa lagu yidhi: “Kooxdu waxay go’aansatay in isbeddel lagu sameeyo jagada Tababaraha Kooxda Ragga, Thomas Frank-na waa la fasaxay maanta.”
Frank ayaa loo magacaabay xilka bishii June 2025, iyadoo maamulka Spurs ay sheegeen inay siiyeen waqti iyo taageero ku filan si uu mustaqbalka kooxda u dhiso. Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinka iyo qaab ciyaareedka kooxda ayaa keenay in guddigu go’aansado in isbeddel degdeg ah loo baahdo xilligan xilli ciyaareedka.
Tottenham ayaa u mahadcelisay Frank dadaalkiisii iyo sida ay uga go’nayd horumarinta kooxda, iyagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.
Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo Spurs ay wajahayaan cadaadis xooggan oo ka imanaya taageerayaasha iyo warbaahinta kadib natiijooyin aan lagu qancin.























