Hargaysa (Dawan) Wasiiru dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi, iyo sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa maalintii shalay furay kulan-hawleed lagu qiimaynayo heerka aqooneed iyo kartida shaqo ee hawl-wadeenada Waaxda Baadhista Gudaha.
Kulankan oo muhiim u ah horumarinta nidaamka maamul-wanaagga, ayaa waxa maalgelinaya Mashruuca Kor-u-qaadista Ka Faaiidaysiga Khayraadka Dawladda ee SERO ee Bangiga Adduunka. Hawsha qiimaynta waxa fulinaya Kambani Caalami ah oo la yidhaa CRAWE, iyada oo ay wada shaqayn ka leeyihiin Shirkadda MERIT Advisory Servicess, si loo hubiyo in qiimayntu noqoto mid waafaqsan heerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee baadhista gudaha.
Masuuliyiinta Wasaaradda oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen in kor-u-qaadista xirfadaha baadhista guduhu ay door muhiim ah ka qaadanayso ilaalinta hufnaanta maaliyadeed, xoojinta nidaamka isla-xisaabtanka, iyo ka hortagga khaladaadka iyo maamul-xumada. Sidoo kale, waxa la tilmaamay baahida loo qabo in la helo shaqaale leh aqoon sare oo baadhis, gaar ahaan kuwa haysta shahaadada caalamiga ah ee Certified Internal Auditor (CIA) si Waaxdu ula jaanqaaddo heerarka xirfadeed ee dunida.
Wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyadda iyo horumarint dhaqaalaha Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi. ”waa mihiim in shaqaaluhu helaan tababaro kala duwan, waarun shaqaalaha dawladu maqaataan mushaar ku filan, balse shaqaalaha dawladu waxa ay helaan inta badan waxbarasho iyo tababaro bilaash ah qofkii doonaya inuu aqoontiisa horumariyaana waxa auu haystaan fursan uu wax ku baran karo, shaqada waaxda odhinta maaha oo kaliya in lacag la baadho balse waxa qaybka ah qaabka shaqada loo qabanayo si loo helo shaqo hufan ayaa qayb ka ah, maaha oo kaliya qofka odhadka ka shaqaynaya in aqoontiisa oo kaliya ahi ay hagaagto balse waxa loo baahan yahay in akhlaaqiyaad kiisuna ay hagaagaan, waxan rajaynayaa inaad mudada uu tababarku idiin socdo inaad si fiican uga faa’iidaysan doontaan”ayuu yidhi wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha jsl.
Ujeeddada qiimayntani ayaa ah in si qoto-dheer loo darso awoodaha jira, xirfaddaha shaqaalaha iyo baahiyaha tabobar ee Waaxda Baadhista Gudaha, si loo helo xog sugan oo saldhig u noqota qorshaynta horumarinta aqoonta iyo kor-u-qaadista xirfaddaha. Natiijooyinka ka soo baxa qiimayntan ayaa gacan ka geysan doona dejinta qorshe tabobar oo istiraatiji ah, laguna kobcinayo tayada shaqada iyo hufnaanta baadhista gudaha ee Wasaaradda.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dedaallada joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ku xoojinayso awoodda hay’adaha maaliyadeed, isla markaana ku hirgelinayso nidaam maamul oo daah-furan, isla-xisaabtan leh, isla markaana waafaqsan halbeegyada caalamiga ah.






















