Xukuumadda JSL oo Diiwaan Gelinaysa Dadka Ajaanibka Ah Si Xogtooda loo Sugo

0
56

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland Mud ane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) ayaa sheegay in ajaanibkii ku jiray buuraha dahabka gobolka Sanaag qaybtii koobaad lasoo raray isla markaana laga soo rari doono inta kalena.

Waxaanu intaa raaciyay Wasiir Magaalo in guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland qofkasta oo jooga oo aan dalka u dhalan in la diiwaan gelinayo dalka uu doono haka soo jeedee. Waxaa kale oo uu wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Somaliland farriin u diray dhamaan shikadaha wadaniga ah ee dalka in ay soo gudbiyaan dadka ajaanibka ah ee u shaqeeya.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in dalku helay Aqoonsi isla markaana loo baahan yahay in xogta dalka la sugo isla markaana la ogyahay dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan iyadoo aan ajaanibkana la dhibaataynayn ama aan cidna gaar loo beegsanayn ni ay qaran ahaan daruuri iyo waajib ba ay tahay in la ogyahay ajaanibka dalka jooga iyo shaqadooda.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ajaanibkii ku jirey Buuraha Dahabka Sanaag qaybtoodii koowaad maanta ayaa lasoo raray. Dhammaan Ajaanibka Dalka Jooga waa la diiwaan gelinayaa, iyadoo aan cidna gaar loo beegsanayn, qofkasta oo dalka jooga oo aan u dhalan Jamhuuriyadda Somaliland waa in uu diiwaan gashanaadaa dalka uu doono ha u dhashee.”