Steven Gerrard oo Amaanay Florian Wirtz, Qirayna inuu wali Horumar ka samaynayo Premier League

0
42

Halyeyga liverpool, Steven Gerrard, ayaa si weyn u ammaanay Florian Wirtz, inkastoo uu qiray in xiddiga Jarmalka uu weli leeyahay waxyaabo uu iska dhisi karo si uu si buuxda ula qabsado Premier League. Gerrard ayaa TNT Sports u sheegay: “Ciyaarba ciyaarta ka dambeysa wuu kobcayaa, wuu hagaagayaa. Bilow adag kadib, qiime sare oo lagu soo iibsaday, cadaadis badan iyo isbeddel weyn oo noloshiisa ah.”

Wuxuu intaas ku daray: “Marka loo eego tayadiisa farsamo, wiilkan waa heer caalami (world-class). Mustaqbalka kubadda cagta ayuu gacanta ku hayaa. Aad buu u xiiso badan yahay marka la daawanayo. “Meelaha cidhiidhiga ah, taabashadiisa koowaad waa mid qumman. Wuxuu si fiican uga warqabaa waxa hareerihiisa ka socda, mar walbana wuxuu raadiyaa inuu abuuro fursado iyo inuu isna gool dhaliyo.

“Mar walba waxaan is weydiiyaa: ‘Maan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro?’ Anigu runtii waan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro wiilkan. “Mar walba boos buu ku jiraa, waa mid aad u caqli badan marka uu kubadda jiidayo. Wuxuu si degdeg ah uga horeeyaa daafacyada. “Waxa keliya ee uu maanta waayay waxay ahayd tiro (gool ama caawin), balse bandhiggiisu wuxuu ahaa mid qumman.”