Qaybta labaad ee Barnaamijka Dawladaha Hoose toddobaadkan, waxa aynu ku soo qaadanaynaa shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Boorama, kaasi oo diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee loogu talagalay dadka nugul iyo barakacayaasha ku nool magaalooyinka Borama iyo Gabiley.
Magaalada Boorama, ayaa martigelisay wejiga 3-aad ee Mashruuca SUIDAC (Sustainable Urban Infrastructure and Development), mashruuc ujeeddadiisu tahay horumarinta kaabayaasha magaalooyinka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.
Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa si rasmi ah u furay Maayarka Degmada Borama, Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse. Madasha waxa ku weheliyey Maayarka Degmada Gabiley, Mudane Cabdirashiid Haybe, wakiillo sare oo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada, iyo isku-duwayaasha Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Barakacayaasha ee gobollada Awdal iyo Gabiley.
Shirkan ayaa si qoto dheer loogu lafaguray horumarka mashruuca SUIDAC, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha dhismaha iyo tayaynta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo nadaafadda, kuwaasi oo si gaar ah u saameeya dadka nugul iyo qoysaska barakacayaasha ah.
Waxa kale oo lagu falanqeeyey caqabadaha jira, sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dawladaha hoose iyo wasaaradaha ay khusayso, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee mashruuca. Tani waa markii saddexaad ee shirkan lagu qabto si loo qiimeeyo halka uu marayo mashruucu iyo jihada horumarineed ee loo qorsheeyey.
Maayarka Borama, Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse, ayaa khudbaddiisii furitaanka ku adkeeyey in Borama ay mar walba u furan tahay iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhex mara dawladaha hoose iyo hay’adaha caalamiga ah.
“Borama maanta waa xarun horumar. Waxaanu diyaar u nahay inaanu khibraddayada la wadaagno magaalooyinka aanu walaalaha nahay, sida Gabiley, si aynu u dhisno bulsho isku-dhafan oo hesha adeeg hufan oo waara,” ayuu yidhi Maayarku.
Hadalkiisa ayaa muujinayey doorka ay dawladaha hoose ku leeyihiin isku xidhka bulshada, ka jawaabista baahiyaha dadka nugul, iyo hirgelinta mashaariic wax-ku-ool ah oo si toos ah u taabanaya nolosha muwaadiniinta.
Dhankiisa, Maayarka Gabiley iyo masuuliyiintii ka socday wasaaradaha ayaa bogaadiyey heerka abaabulka shirka iyo soo-dhawaynta diirran ee ay kala kulmeen Maamulka Borama. Waxay tilmaameen in mashruuca SUIDAC uu tusaale u yahay sida iskaashiga dawladaha hoose iyo hay’adaha kale uu u horseedi karo horumar la taaban karo.
Shirkan ayaa lagu soo gabagabeeyey ballan-qaad ku aaddan in la sii xoojiyo wada-shaqaynta, lana hubiyo in mashruuca SUIDAC si waara uga midho dhaliyo magaalooyinka Borama iyo Gabiley, gaar ahaan bulshada nugul ee baahida weyn u qabta adeegyada aasaasiga ah.

























