Caasimadda Hargeysa iyo Bristol (UK) oo Bilaabay Waji Cusub oo Iskaashi iyo Wadashaqayn ah

0
59

Barnaamijka Dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan toddobaadkan waxa aynu diiradda ku saaraynaa kulan muhiim ah oo Maayirka Caasimadda Hargeysa la yeeshay masuuliyiinta iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka magaalada Bristol ee dalka Boqortooyada (UK).

Duqa Magaalada Hargeysa, Mudane Cabdiraxiin Axmed Mooge, oo ay weheliyaan ayaa si diirran oo sharaf leh loogu soo dhaweeyey magaalada Bristol, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Maayarku,Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Bristol, Mudane Tony Dyer.

Soo-dhawayntan heerka sare ah ayaa ka tarjumaysa xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Golaha Deegaanka Bristol. Waxa ay sidoo kale muujinaysaa kalsoonida iyo is-aaminaadda labada dhinac, taasi oo saldhig u ah xoojinta wada-shaqaynta, is-dhaafsiga khibradaha iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo dan u ah labada magaalo.

Intii uu safarku socday, weftiga ka socday Hargeysa waxa ay kulammo midho-dhal ah la yeesheen hoggaanka iyo waaxyaha kala duwan ee Golaha Deegaanka Bristol. Kulammadaasi waxa si gaar ah diiradda loogu saaray waaxyaha Xidhiidhka Caalamiga ah, Horumarinta Dhaqaalaha, Caafimaadka Bulshada iyo Maaraynta Qashinka. Masuuliyiinta Bristol ayaa soo bandhigay qaabka ay u maamulaan adeegyada dadweynaha, nidaamyada hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo tusaalooyin guulaystay oo la xidhiidha horumarinta adeegyada bulshada.

Duqa Magaalada Hargeysa ayaa kulammadaasi ku soo bandhigay horumarka ay Dawladda Hoose ee Hargeysa ku tallaabsatay sannadihii u dambeeyey, caqabadaha jira, iyo fursadaha iskaashi ee u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo. Waxa uu xusay in iskaashiga caalamiga ahi yahay mid muhiim u ah horumarinta magaalooyinka, gaar ahaan dhinacyada nadaafadda, qorshaynta magaalooyinka, kobcinta dhaqaalaha iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Duqa Hargeysa waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Alderwoman Hibaaq Jaamac, oo muddo 11 sano ah ka tirsanaan jirtay Golaha Deegaanka Bristol, isla markaana door muuqda ka qaadatay fududaynta martiqaadka iyo isku xidhka labada dhinac. Doorkeeda ayaa lagu tilmaamay mid laf-dhabar u noqday xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada magaalo.

Safarkan iyo kulammada la qabtay waxa ay bilow u yihiin marxalad cusub oo iskaashi oo u dhexeeya Hargeysa iyo Bristol. Waxaa la filayaa in wadahadalladaasi ay ka dhashaan qorshayaal wax-ku-ool ah iyo mashaariic la taaban karo oo kor u qaada horumarka, isla markaana ka tarjumaya danaha guud ee bulshada labada magaalo.

Barnaamijka Dawladaha Hoose ee Wargeyska Dawan waxa uu sii wadi doonaa iftiiminta dadaallada ay maamullada hoose ku horumarinayaan adeegyada bulshada iyo xidhiidhada caalamiga ah ee wax-ku-oolka ah.