Amad Diallo Oo Daaha Ka Rogay Hubka Qarsoon Ee Guulaha United

0
192

Xiddiga Garabka uga ciyaara United, Amad Diallo ayaa shaaca ka qaaday sida heesta caanka ah ee Take Me Home, Country Roads oo uu qaaday John Denver ay u noqotay il tamar iyo dhiirrigelin u ah ciyaartoyda Manchester United marka ay ku ciyaarayaan Old Trafford.

Amad ayaa sheegay in taageerayaasha oo wada heesaya ay abuuraan jawi gaar ah oo si weyn u saameeya kooxda. Wuxuu xusay in xitaa qolka labiska mararka qaar lagu ciyaaro heesta ka hor inta aannay garoonka u bixin si ay isu xasuusiyaan qiimaha ay leedahay inay u ciyaarayaan Manchester United.

“Marka heesta la shido, waxaan ka heesaa maskaxda. Waxay na siisaa tamar, waxayna na xasuusisaa inaan maanta u ciyaareyno taageerayaasha,” ayuu yidhi Amad.

Wuxuu intaa ku daray in marka ay arkaan taageerayaasha oo si xamaasad leh u heesaya, ay dareemaan kalsooni iyo deganaan, taas oo ku dhiirrigelisa inay guul u keenaan kooxda iyo taageerayaasheeda