Manchester City Oo Taariikh Cusub Dhigtay Guushii Salford

0
154

Manchester City ayaa taariikh dhigtay Sabtidii kadib markii ay 2-0 uga adkaatay Salford City wareega afaraad ee FA Cup-ka garoonkooda Etihad Stadium.

Sida uu sheegay OptaJoe, guushan ka dib, Manchester City ayaa hadda heshay 17 guulood oo xidhiidh ah oo ay ku gaadheen gudaha Etihad tartanka FA Cup-ka, taasoo u dhiganta rikoodhka ugu dheer ee guulaha guriga ee tartanka, kaasoo ay hore u dhigeen Clapham Rovers intii u dhaxaysay December 1873 ilaa February 1881.

Gool uu iska dhaliyay Alfie Dorrington iyo gool uu dhaliyay Marc Guehi ayaa u xaqiijiyay in Manchester City wareega 16-ka.

Man City waxay la ciyaari doonaan Newcastle United kulanka xiga ee Premier League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, afar dhibcood ayay ka dambeeysaa Arsenal oo hoggaanka haysa, iyadoo la ciyaaray 26 kulan.