Diyaarinta Qorshaha Qaran ee Taageerada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland

0
156

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland ayaa qabatay shir wadatashi oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan daneeyayaasha arrimaha bani’aadannimada ee ka hawlgala dalka, sida hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, iyo qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda. Shirkan, oo lagu diyaarinayo qorshaha taageerada barakacayaasha, qaxootiga, magangelyo-doonka, soo noqdayaasha, iyo dadka socdaalka ah (IDP, Returnee, Refugee, Asylum Seekers, and Mixed Migrants), kaas diirrada lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa xaaladda bini’aadannimo ee sii adkaanaya.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saarayaa Qorshaha lagu wajahayo Taageerada Barakacayaasha, Qaxootiga, Magangelyo-doonka, Soo-Noqdayaasha, iyo dadka socotada ah. Kuwaasi oo ay Wasaarada Ddhibaatooyinka sii kordhaya ee xaaladda bini’aadannimo taas oo ay sababeen abaaraha soo noqnoqday, hoos u dhaca taageerada bini’aadannimo ee aduunka, iyo caqabadaha dhaqaale ee jira ee soo wajahay hay’adaha ka hawlgala dalka, kuwaas oo si gaar ah u saameeyey bulshooyinka nugul.

Shirkan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiradda Wasaaradaha Beeraha, Waxbarashada, iyo Guddoomiyaha Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada, waxaana sidoo kale ka qayb-galay agaasimeyaasha Wasaaradaha Cadaaladda, Tignoolajiyada, iyo Maamul-wanaagga, iyo ganacsatada dalka.

Ujeedada kulankan ayaa ah in la mideeyo dadaallada daneeyayaasha kala duwan, iyo in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda, kuwa Qaramada Midoobay, iyo bah-wadaagta kale. Sidoo kale, waxaa la dejinayaa qorshe qaran oo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xaaladda dadka barakacayaasha ah iyo kuwa magangelyo-doonka. Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo xalalka waara ee lagu taageerayo bulshooyinka nugul ee Somaliland.

Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland ayaa ku baaqday in dhammaan daneeyayaasha ay sii xoojiyaan taageeradooda wada-shaqeynta iyo isku xidhnaantooda, maadaama natiijooyinka ka soo baxa shirkan ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan dejinta siyaasadaha iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu taageerayo bulshooyinka nugul ee ay wasaaraddu u adeegto.