HORUMARINTA DHOOFKA XOOLAHA

0
277

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyigu waxay masuul ka tahay kor u qaadista suuq-geynta xoolaha nool ee gudaha dalka iyo suuqyada dibaddaba. Sanadkan dhamaaday ee 2025 wasaaraddu waxay dadaal badan galisay ilaalinta tayada xoolaha la dhoofinayo, kobcinta suuqyada jira, raadinta suuqyo cusub, iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah sida maxjarada, sayladaha iyo dekedaha dalka.

 

Gudaha Somaliland, suuqyada xoolaha waxaa saldhig u ah sayladaha waaweyn ee ku yaala magaalooyinka waawayn ee dalka sida Hargeysa, Burco, Boorama, Caynaba, iyo Tog-Wajaale IWM.

Sayladahani waxay yihiin xarumo ay isugu yimaadaan ganacsatada, dilaaliinta, dhoofiyeyaasha xoolaha iyo xoolodhaqatadu si ay ugu kala iibsadaan xoolaha. Waxay sidoo kale yihiin meelaha ugu horreeya ee lagu hubiyo caafimaadka xoolaha kahor inta aan loo wareejin maxjarada dhoofka. Madaxda wasaaaraddu mudadaaa sanadka ahayd waxay sameeyeen kormeero joogto ah oo ay ugu kuur galayaan xaaladaha- sayladaha kuna dardargalinayaan adeegyada ka socda iyo sidii loo horumarin lahaa.

Suuqyada debedda ayaa iyaguna ah il dhaqaale oo muhiim ah. Dalkeenu waxuu dhoofiyaa xoolaha nool oo si toos ah u tagaya suuqyada Khaliijka Carabta, gaar ahaan Boqortooyada Sacuudiga, taasoo ah suuqa ugu weyn ee debedda ee aynu haysano. Suuqyada kale ee muhiimka ah ee aynu iyana xoolaha gayno waa Cumaan, Yemen, Imaaraadka, Qatar, Bahrain, Masar iyo Kuwait. Suuqa ugu wayn oo ah ka sucuudiga waxa uu si gaar ah u firfircoon oo dalabkiisu badanyahay yahay xilliga mawsimka Xajka iyo bisha Ramadaan ee barakaysan, markaas oo baahida xoolahu ay aad u badantahay. Wasaaraddu mudadaas sanadka ah waxay adkaysay xihiidhka suuqyada aynu haysano iyadoo sidoo kale meesha ka saartay wax kasta oo caqabad ku noqon kara dhoofka xoolaha.