Talaalka xooluhu wuxuu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo caafimaadka xoolaha, laguna yareeyo khatarta cudurrada faafa ee wax u dhimi kara dhaqaalaha, caafimaadka bulshada, iyo suuq-geynta xoolaha dalka. Intii lagu jiray sanadkan, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyigu waxay dardargelisay dadaallada talaalka xoolaha iyadoo xoogga la saaray ilaalinta caafimaadka xoolaha oo kaalin weyn ku leh wax-soosaarka caanaha, hilibka, iyo dhaqaalaha qoysaska xoolo-dhaqatada ah.
Tallaalka oo joogto ahi wuxuu yaraynayaa khasaaraha dhaqaale, wuxuu kordhiyaa wax-soosaarka, wuxuuna sare u qaadaa kalsoonida suuqyada gudaha iyo dibadda ee xoolaha Somaliland.
Sanadkan, Wasaaraddu waxay tallaashay 162,824 neef oo Lo’ ah, taas oo ah guul muhiim u ah nidaamka ka hortagga xanuunnada xoolaha. Tallaalkan la siiyay Lo’da ayaa wax weyn ka taray yareynta cudurrada ku dhaca Lo’da isla markaana kordhiyay awoodda wax-soosaarka caanaha iyo hilibka, taas oo si toos ah u saameysay koboca dhaqaalaha reer miyiga iyo horumarinta nolosha xoolodhaqatada. Waxaa intaas dheer, tallaabooyinka lagu xoojinaya wacyigelinta bulshada ee muhiimadda tallaalka ayaa dhiirrigeliyay in bulshada xoolo-dhaqatadu si firfircoon uga qaybqaataan barnaamijka tallaalka, taas oo horseeday in tirada xoolaha lagu tallaalay ay sanadkan sii kordhaan.
Wasaaraddu Waxay qorshaysay in sanadada soo socda la ballaadhiyo barnaamijyada tallaalka, lana kordhiyo tirada xoolaha la gaadhsiinayo, si loo dhiso nidaam waara oo ka hortagga xanuunnada xoolaha laguna xoojinayo amniga cuntada iyo dhaqaalaha dalka.
162,824 Neef oo Lo’ ah baa la Talaalay 4.4. Daawaynta Xoolaha & Caafimaadintooda
Intii lagu gudajiray sanadkan 2025, Wasaaraddu waxay fulisay hawlgalo balaadhan oo daaweyn ah oo lagu gaadhay dhamaan gobolada dalka. Iyadoo ay si joogto ah u shaqaynayeen dhamaan xarumaha caafimaadinta xoolaha ee wadanku hadana waxa lagu kaabay in sadexdii biloodba mar la qaaday olole balaadhan oo wadanka oo dhan ah oo lagu daweeyay xoolo tiro badan.
Wasaaradda Xanaanada Xooluhu sanadkan 2025, waxay dawaysay xoolo gaadhaya 2,951,026 oo neef oo isugu jira Adhi, Geel, Lo’, Gamaan, iyo xayawaanka kale ee inala nool sida Eyda iyo Bisadaha, iyada oo ay ka faa’daysteen dawayntaa xoolaha qoysas gaadhaya 49,183 oo qoys. Tiradaas baaxada leh ee xoolaha la daaweeyay waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee wasaaraddu ugu jirto yareynta iyo ka hortaga xanuunnada xoolaha iyo xoojinta nolosha bulshada reer miyiga.Si loo xaqiijiyo joogtaynta iyo tayada adeegyada caafimaadka xoolaha, madaxda Wasaaradda ayaa sameeyay kormeero qorshaysan oo heer sare ah, kuwaas oo ay ku qiimeeynayeen habsami u socodka adeegyada cafimaadinta iyo daryeelka xoolaha.
Kormeerdaa waxa laga sameeyay badiba gobolada dalka sida, Awdal, Maroodi-jeex, Gabiley, Hawd, Saaxil, Daad-Madheedh, iyo Togdheer. Ujeedada kormeeradan ayaa ahayd in la dardargaliyo shaqada wasaaradda, lana fahmo caqabadaha hortaagan bixinta adeegyada si loo dhiirrigeliyo fulinta siyaasadda caafimaadka xoolaha iyo kahortaga xanuunada ee wasaaradda.
Ka dib markii madaxda cusubi xilka la wareegtay, waxay dadaal xooggan geliyeen sidii loo sugi lahaa korna loogu qaadi lahaa fayadhawrka hilibka iyo caanaha xoolaha. Wasiirka ayaa markii uu helay warbixinaha, ee uu ogaaday in ay jiraan xoolo lagu qalo meelo aan ku haboonayn waxa uu soo saaray digreeto- mamnuucaysa in xoolaha lagu qalayo meelaha ka baxsan kawaanada rasmiga ah, taas oo qayb ka ah kor u qaadista badqabka hilibka xoolaha maadaama oo kawaanada lagu baadho badqabka iyo caafimaadka hilibka. Wasaaradda ayaa bilaawday kormeerro joogto ah si loo xaqiijiyo dhaqan-galka digreetadaas, taas oo sababtay korodh weyn oo ku yimi tirada xoolaha lagu qalay kawaanada dalka.
kawaanada dalka lagu qalay 558,250 neef oo isugu jira Adhi, Geel, iyo Lo’. Dhamaan xoolahaas waxaa si fiican loo hubiyay caafimaadkooda kahor inta aan cudurrada xoolaha uga gudbi kara bulshada (zoonotic diseases) iyo guud ahaan nadaafada iyo badqabka hilibka oo bulshadeenu aad ugu tiirsantahay.
558,250 Neef oo caafimaadkooda la hubiyay baa lagu Qalay kawaanada dalka
Wasaaraddu iyadoo dareensan muhiimada ay kawaanada & sariibaduhu Jamhuuriyadda Somaliland leeyihiin Waxay dardargalisay adeegbixinta kawaanadi iyo sariibadihii hore uga jiray dalka si kor loogu qaado caafimaadka bulshada iyo deegaankaba, sidoo kale Wasaaradu waxay Dhagaxdhigtay kawaanka degmada Ceel-Afwayn iyadoo sidoo kale la dhamastiray dayactirka sariibada caanaha ee
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer-Miyigu, iyadoo kaashanaysa hay’adda Mercy Corps waxay qabatay laba tababar oo ku saabsanaa fayodhawrka hilibka, waxaana lagu qabtay gobollada Awdal iyo Togdheer. Tababaradan oo ay bixisay Qaybta Badbaadada Cuntada ee Wasaaraddu waxaa ka faa’iidaystay 76 qof. Ujeedadu waxay ahayd in la xoojiyo aqoonta iyo wacyiga la xidhiidha ilaalinta badqabka hilibka laga bilaabo marka xoolaha la gawraco illaa marka suuqyada loo iib geeyo, si loo ilaaliyo badqabka cuntada iyo caafimaadka dadweynaha
Shaybaadhista Xanuunnada Xoolaha Wasaaraddu waxay si weyn u xoojisay adeegyada shaybaadhka xoolaha si, si joogto ah loogu baadho loona hubinayo xoolaha ku sugan deegaanadda kaladuwan ee dalka, kuwa dhoofaya, iyo oonta xoolaha laga helo sida hilibka iyo caanaha. Madaxda Wasaaradu si kor loogu qaado tayada iyo tirada shaybaadhada dalka waxay qalabayn ku sameeyeen shaybaadhadii xoolaha ee dalka ee hore u dhisnaa si wakhti walba ay heegan ugu jiraan una baadhi karaan xalaad kasta oo xanuun oo soo korodha iyo xili kasta oo loo baahdo, sidoo kale madaxda wasaaradu waxay xadhiga ka jareen xarunta shaybaadhka gobolka Togdheer oo la dhamaystiray lana qalabeeyay.
Sidoo kale mudadaa sanadka ahayd waxa la diyaariyay oo la dhamaystiray hagihii baadhiseed (SOPs) ee dhamaan qaybaha kala duwan ee shaybaadhada, hagahan oo loo diyaariyay si faahfaahsan wuxuu sahlayaa inuu tilmaame u noqdo badhis kasta oo shaybaadh oo la samaynayo isla markaana wuxuu kor u qaadayaa tayadii shaybaadhada xoolaha ee dalka iyo badqabkii guud ee shaqaalaha iyo muunadaha baadhiseedba.
Wasaaraddu iyadoo ku baraarugsan muhiimada ay leeyihiiin cilmibaadhisuhu waxay sidoo ka higalisay mudadaas sanadka ahayd in cilmibaadhisyo kala duwan lagu sameeyo shaybaadhada dalka kuwaaso waxwayn ka taraya in la ogaado heerka ay marayaan xanuunada kala duwan ee dadka iyo xoolaha u kala gudba ama caqabad wayn ku ah caafimaadka xoolaha iyo bulshadaba.























