Wafti Heer Sare ah oo Kormeer Ku soo Sameeyey Adeegyada Cusbitaalka Guud ee Burco

0
192

Burco (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, iyo wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu baxay gobollada Bariga Somaliland, ayaa gaadhay magaalada Burco, halkaas oo ay kormeer ballaadhan ku sameeyeen Cusbitaalka Guud ee Burco iyo Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Dr. Allag.

Waftiga Wasiirka waxa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda, kuwaas oo si dhow ula socday xaaladda adeegyada caafimaad ee ka jira xarumaha la kormeeray. Safarkan shaqo waxa uu qayb ka yahay qorshaha Wasaaradda ee ku wajahan xoojinta nidaamka caafimaadka dalka, kor u qaadidda tayada adeegyada, iyo hubinta in adeegyada aasaasiga ahi si siman u gaadhaan bulshada ku nool gobollada Bariga iyo guud ahaan Dalka.

Intii uu socday kormeerku, Wasiirka iyo waftigiisu waxay mid mid u mareen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka iyo xarunta hooyada iyo dhallaanka, iyaga oo u kuurgalay habsami u socodka shaqada, heerka qalabaynta, kaydka dawooyinka, iyo baahiyaha jira. Sidoo kale waxay indho-indheeyeen dib-u-habaynta iyo bilicda cusub ee maamulka cusbitaalku ku sameeyeen xarunta, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegga iyo tayada daryeelka la siiyo bukaannada.

Waxa kale oo ay si qoto dheer ula kulmeen maamulka, shaqaalaha caafimaadka iyo qaybaha kala duwan ee ka hawlgala xarumahan, iyaga oo ka dhegaystay warbixinno la xidhiidha waxqabadka, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee mudada dhow iyo tan fog. Kulamadaasi waxay u sahleen Wasiirka iyo waftigiisa inay si toos ah u fahmaan baahiyaha dhabta ah ee ka jira goobaha adeegga, si loogu saleeyo go’aamada horumarineed ee Wasaaradda.

Wasiirku waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay tayeynta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, maadaama ay laf-dhabar u yihiin badbaadada bulshada iyo dhimista dhimashada hooyada iyo carruurta. Waxa uu sidoo kale carrabka ku dhuftay in Wasaaraddu ka go’an tahay xoojinta agabka caafimaad, kor u qaadidda aqoonta iyo tababarrada shaqaalaha, iyo horumarinta kaabayaasha si loo gaadho adeeg caafimaad oo tayo leh, hufan, isla markaana waara.

Dhanka kale, kulamo gaar ah oo ay la yeesheen dadweynaha adeegyada ka helaya xarumahan ayaa lagu falanqeeyey sidii loo wanaajin lahaa adeegga, loo yareyn lahaa wakhtiyada sugitaanka, loona xoojin lahaa wacyigelinta bulshada ee ku saabsan ka hortagga cudurrada, nadaafadda, iyo muhiimadda daryeelka caafimaad ee joogtada ah.

Safarkan shaqo wuxuu muujinayaa sida ay Wasaaraddu mudnaan gaar ah u siinayso la socodka tooska ah ee xarumaha caafimaadka, si loo xaqiijiyo in siyaasadaha iyo qorshayaasha qaranku si dhab ah uga hirgalaan heer gobol iyo degmo, isla markaana bulshada loo gaadhsiiyo adeegyo caafimaad oo la isku halayn karo.