Wasaaradda Diinta iyo Culimada oo Wadajir uga Qayb Qaadanaya Ilaalinta Bilashada Ramadaan

0
199

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magacawday guddida ilaalinta bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, si loo hubiyo in si sax ah loo go’aamiyo bilashada bisha, isla markaana ay bulshada Muslimiinta ah si waafaqsan sharuucda Islaamka ugu gudato waajibaadka soonka. Go’aankan ayaa ka mid ah dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan xaqiijinta gudashada waajibaadka diimeed ee bisha Ramadaan.

Guddidan cusub ayaa ka kooban culimo iyo aqoonyahanno diineed oo kala duwan, kuwaas oo waajibkoodu yahay in ay si joogto ah ula socdaan bilashada Ramadaanka, iyaga oo xaqiijinaya sugnaanta iyo raacista bilashada bisha. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Mudane Sh. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa wareegto rasmi ah ku shaaciyey magacaabista guddidan, kuwaas oo ah xubno ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha Guddida

Sh. Axmed Dhimbiil Guuleed

Sh. Maxamed Xasan Yuusuf

Sh. Rashiid Maxamuud Cige

Sh. Yaasiin Ibraahin Cabdiraxmaan

Sh. Cabdiraxmaan Sh. Axmed Aw Cabdi

Sh. Cabdilaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi)

Sh. Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi

Sh. Caydiid Ibraahin Nuux

Sh. Axmed Caabi Cabdi

Sh. Dr. Khadar Xasan Axmed

Sh. Cabdilaahi Maxamuud Aadan

Sh. Cabdirxmaan Yaasiin Jaamac

Sh. Cabdilahi Ibraahin Yuusuf (Abu Macaali)

Dr. Cabdilaahi Sh. Maxamed Cismaan (Walaaleeye)

Sh. Ismaacil Cabdi Hurre (Sh. Ismaaciil Dheeg)

Magacaabista guddidan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ku aaddan xoojinta nidaamka diimeed ee dalka, gaar ahaan waqtiga bilashada Ramadaan, si loo xaqiijiyo in si hufan oo waafaqsan sharuucda Islaamka loo gudayo waajibaadka soonka. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sidoo kale tilmaantay in guddidan ay ka shaqeyn doonaan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado wacyigelin iyo aqoon-isweydaarsi diimeed oo lagama maarmaan u ah bulshada.