10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faa’iidaysato Bisha Ramadaan

0
284

Waxaynu ognahay in adduunyada arrimeheeda ku talo gal loo yeesho, qofka hadii fursadi soo marto uu u diyaargaroobo sidii uu uga faa’iidaysan lahaa. Sidoo kale marka ay jiraan bandhigyada ama Carwooyinka wax laga iibsado ama laga faa’iido qofku wuu u diyaargaroobaa. Sidaa awgeed walaalayaal Ramadaan waa Fursad sanadkii hal mar soo marta qofkii Illaahay gaadhsiiyo, waa in aynu u diyaargarownaa. 10 arrimohood ayaa loo baahan yahay in lagu qaabilo.
1) Niyo wanaagsan in aan la nimaadno, niyada wanaagsana xitaa hadii aanu wixii samayn Ilaahay wuu ugu naxariistaa. Ilaahay wuu ku garab gelayaa hadii aad si niyo ah ula timaado in aad gudanayso bisha Ramadaan wixii Ilaahay ku faray.
2) In aan Ilaahay sii barano, waynu naqaan laakiin waynu ka edebsanaynaa. Waxaynu naqaan qofku, qofka uu u shaqeeyo wuu iska dhisaa marka uu la joogo si weyn ayuu u shaqeeya, haduu ka tagna sidii wuu iska bedela, laakiin Ilaahay mar kasta waa ku arkayaa marna kaama tegayo, xitaa hadii aad adigu ka tagto. Hadii qofku garto in Ilaahay mar kasta dusha kala socdo wuu toosnaanayaa
3) In aan Nebiga ku dayano oo aan eegno wixii uu bisha Soon samayn jiray, sidii uu ummada u baraarujin jiray iyo dedaalkiisii.
4) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aan nafteena xisaabino. Si aan guul u gaadhno Aakhiro waa in aynu isa sii xisaabinaa inta aan adduunyada joogno . Cumar Binu Khadaab waa uu lahaa “ Xisaabiya naftiisa inta aan la idin xisaabin” . Xasan Al Basri isna waxa uu lahaa ‘’ Dadka qaarkood xisaabtu way u fududaatay sababta oo ah adduunyadii intii ay joogeen ayey isa soo xisaabiyeen, qaarna way ku adkaatay oo is may soo xisaabinin’’. Marka uu qofku naftiisa xisaabiyana sadde arrimood ayuu ka dhaxlaa; inuu ceebtiisa garto, inuu Ilaahay ka cabsado iyo inuu Jannada ku guulaysto.
5) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Toosaanta. In aynu jidka wanaagsan ku toosnaano. Toosnaanta hadii tusaale ka soo qaadano yoolkaaga ama Shukaantaada oo aad ku hagaajiso Jidka cad ee Ilaahay ku toonaashihiisa iyo Jannada loo maro.
6) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu qalbiga daahirino. Qalbigu wax badan buu wasakhoobay oo waxyaabo badan ayaa ku jira, waxyaabahaas ina soo gaadhay haddii aynu ka daahirino waxaynu helaynaa raaxda cibaadada iyo ka bogashadeeda. Ilaahay baa inala hadlay oo waxa uu yidhi “ Miyeydaan doonayn in aan idiin denbi dhaafo, hadaad doonaysaan in aan idiin denbi dhaafo idinku dadka iska daaya’’.
7) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu dardaarankeena sii qoro. Ha is odhan Ramadaan ayaa soo dhow ama la gaadhay ee sii diyaarso Raashinka iyo alaabtaba waa gaadhi oo kan ayaad samayn doontaa. Bal dib u warayso Ramadaanadii ina horeeyey, imisa qof oo sugayey in ay Soomaan ama ciida diyaar u ahaa ayeynu aasnay. Sidaa awgeed ha ku tallo gelin, ileen waxaad ogtahay ma ahee dardaaraankaaga iska qor. Sidaas oo kale wixii adiga kaa dayacmi lahaana sii qoro.
8) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu Ilaahay xuskiisa badino. Digriga ama xuska Alle waxa uu kordhinayaa in aad si deg-deg ah ama xawli ah ugu socoto Jidkii toosnaanta ee aan soo sheegnay. Safarka adduunyada marka la gelayo waa la tartamaa oo gaadiid wanaagsan, shidaal wanaagsan iyo sahay ayaa lagu tallo galaa si safarku kuugu hagaago. Jidka Ilaahay iyo Jannaduna si ay kuugu hirgasho waa in Digri iyo xus joogto ah oo badan la la yimaadaa, sida uu Nebigu(Cs) inoogu sheegay Xadiiskii macnihiisu ahaa “ Kuwa Digri yaqaanka ah ama Daakiriinta ahi cid kasta way ka dheereeyaan”.
9) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Alle ka cabsi. Waxaynu kordhinaynaa Alle ka cabisigeena, Alle ka cabsigu wax weyn weeye, Quraankuna wax badan ayuu inagala dardaarmay. 258 Ayadood ama Eray ayaa ku soo Arooraya Alle ka cabsiga, waxa layna tusayaa qiimaha uu leeyahay Alle ka cabsigu iyo inuu yahay Sahayda ugu weyn ee adduunka lagala tago.
10) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Towbad. In aynu Towbad la nimaadno. Towaduna waa in aad garowshiinyo bixiso oo aad ogaato in aad tahay Adoon yar oo dhac-dhacaya oo gefkiisu badan yahay, Ilaahayna aad u weynayn ugana xishood ama u qadarin sidii xaqiiso ahaa. Waa inaad noqotaa qof goor kasta Ilaahay hoos taagnaada oo ka werweraya oo ceebtiisa qiranaya, sidaas ayaa laguuga denbi dhaafayaa. Towbadu waa jidka loo maro jannada, haduu qof Towbad keeni waayo, Istiqfaar la iman waayna waxa uu noqonayaa qof is mahadiyey oo naftiisa iyo shaydaanku been u sheegeen. Nebi Maxamed (CS) ayaa inoo sheegay inuu Maantii in ka badan 70 jeer Ilaahay denbi dhaaf weydiisan jiray. Inagu halkee ayeynu joognaa? maxaa xasuunaa? Weliba marka qof uu sii weynaado waa in Istiqfaartiisu kordhaa.
Tobaankaa arrimohood hadii aynu weelayno waxa laga yaabaa in Qalbigeenu sifoobo oo aynu Ramadaanka Ajuurteeda wax ka helo.

10 Waxyaabood Oo Kobciya Iimaanka Qofka

1. Tawbada: Bini’aadanka waxaa ka dhaca dambiyo & qaladaad sababtoo ah ma nihn kuwa dhameystiran. Haddaba waa in aad mar kasta Alle dambi dhaaf weydiisataa, si dhab ahna ugu toobad keentaa. Kana fogaataa in aad dambi sameyso.
2. Salaada: Tuko Shanta salaadood si joogta ah. Ilaali waqtiga Salaadaha. Baro Axkaamta Salaada.
3. Quraanka: Aqri Quraanka, Baro macnihiisa, fahan Xikmadaha Alle SWT uu inoogu sheegayo, fuli wax kasta oo Alle ina farayo ee Quraanka ku xusan. Hubi in 24 saac aysan ku dhaafin adigoon Kutubka kala furin oo Quraanka aqrin
4. Xuska Alle: Bar carabkaaga Dikriga Alle, kuna celceli mar kasta kelmadahan; Subxaan Allaah, Alxamdulilaah, Allaahu Akbar, Laa ilaaha Illa Allaah, Laa Xawla walaa Quwata ilaa Billaah-hil Caliyil Cadiim.
5. Alle oo la talo saarto: Eebe waa naxariis badane, sidaa darteed waa in aad talo saarataa mar kasta, naxariistiisa aadan ka quusan. Mar kastana aad Kheyr ka rejayso
6. Ducada: Alle SWT oo aad barido waa mid ka mid ah siyaabaha loo xoojiyo Iimaanka. Alle waa ka jawaabaa duco kasta oo adoonkiisa ka timaada
7. Cilmiga Diinta oo la barto: Guud ahaan Cilmigu waa nuur, waa fure. Diinta Islaamka oo aad barataa, Quraanka kariimka, Siirada Nabiga iyo Kutubta kale waxay qofka ka saarayaan Jahliga, waxay xoojinayaan qalbigiisa, waxayna ku hogaminayaan in uu kala fahmo xaqa iyo baadilka, iyo in aan la qaldi karin, wadada Allena laga leexin karin
8. Soonka Sunada ah: Fadli badan ayaa ku sugan soonka sunada ah, qofki awooda in uu soomo Maalmaha Isniinta iyo Khamiista wuxuu ka helayaa faa’iidooyin badan. Rasuulka SCW waxa la waydiiyey Soonka Maalinta Isniinta wuxuu yidhi: waa Maalintii aan dhashay, waxyigana la igu soo dejiyey” “Nebigu SCW wuxuu ahaa mid sooma Isniinta & Khamiista.
9. Xusuusta Dhimashada iyo Aakhirada: Hadii qofku xusuusan yahay dhimashada iyo Aakhirada wuxuu ogaanayaa macnaha dhabta ah ee Aduunkan loo joogo, wuxuuna ku dedaalayaa raali ahaanshaha Alle iyo in uu u shaqeysto Daarta dambe ee lagu waarayo
10. Camal Wanaagsan: Ku dedaal in aad joogtayso sameynta camalo iyo ficilo wanaagsan, ilaa ay dabeecad kuu noqoto. Hal camal oo wanaagsan wuxuu kugu hogaamiyaa mid kale oo wanaagsan