Liiska 10-Ka Ciyaaryahan Ee Ugu Mushaarka Badan Premier League Oo La Soo Saaray

0
267

Heshiiska cusub ee Bukayo Saka uu la saxeexday Arsenal ayaa ka dhigay mid ka mid ah 10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan Premier League.

24-jirkan ayaa hadda qaadanaya £300,000 toddobaadkii, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda. Wuxuu ka sarreeyaa saaxiibadiisa Arsenal sida Kai Havertz (£280,000 toddobaadkii) iyo Gabriel Jesus (£265,000 toddobaadkii).

Si kastaba, ciyaaryahanka ugu mushaharka badan horyaalka Ingiriiska weli waa Erling Haaland oo ka tirsan Manchester City, kaasoo qaata £525,000 toddobaadkii.

10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan Premier League:

  1. Erling Haaland (Manchester City) – £525,000 toddobaadkii
  2. Mohamed Salah (Liverpool) – £400,000 toddobaadkii
  3. Casemiro (Manchester United) – £350,000 toddobaadkii
  4. Virgil van Dijk (Liverpool) – £350,000 toddobaadkii
  5. Bukayo Saka (Arsenal) – £300,000 toddobaadkii
  6. Bruno Fernandes (Manchester United) – £300,000 toddobaadkii
  7. Omar Marmoush (Manchester City) – £295,000 toddobaadkii
  8. Alexander Isak (Liverpool) – £280,000 toddobaadkii
  9. Kai Havertz (Arsenal) – £280,000 toddobaadkii
  10. Gabriel Jesus (Arsenal) – £265,000 toddobaadkii