Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku maraya gobollada dalka si ay u kormeeraan xarumaha caafimaadka una qiimeeyaan baahiyaha jira. Waxay booqdeen degmooyin ka tirsan Sanaag iyo Saraar, daahfureen barnaamijyo caafimaad oo ay wadajir u fulinayaan Wasaaradda, UNFPA iyo King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, isla markaana Burco ka furay dhisme cusub oo lagu kordhiyay Cisbitaalka Alkhaliifa.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay la kaashatay Population Services International (PSI) si loo xoojiyo nidaamka xogta caafimaadka. Safarkani wuxuu muujinayaa dadaalka lagu tayeynayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, oo uu wehelinayo wafti ballaadhan oo heer sare ah, ayaa ku guda jira safar shaqo oo baaxad leh oo ay ku marayaan gobollada Bariga iyo Galbeedka dalka.
Safarkan oo ah mid qorshaysan ayaa ujeeddadiisu tahay kormeer toos ah oo lagu sameeyo xarumaha caafimaadka, qiimaynta baahiyaha jira, iyo xoojinta hirgelinta istaraatiijiyadda horumarinta caafimaadka qaranka.
Waftiga Wasiirka ayaa si rasmi ah u gaadhay degmooyinka Gar-adag iyo Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, iyo sidoo kale degmooyinka Wiriir iyo War’idaad ee gobolka Saraar.
Ujeeddada socdaalladan ayaa ahayd in si dhab ah loo qiimeeyo heerka ay marayaan adeegyada caafimaad ee laga helo deegaannada fog, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka.
Masuuliyiinta ayaa booqday Xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka (MCH), iyaga oo warbixinno ka dhegeystay shaqaalaha caafimaadka, isla markaana indho-indheeyay xaaladda qalabka, kaydka dawooyinka, iyo baahiyaha aasaasiga ah ee jira.
Waxa kale oo ay kulammo la yeesheen maamulka degmooyinka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay u dhagaystaan talooyin iyo caqabado la xidhiidha adeeg bixinta.
Waftiga waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda, kuwaas oo si qoto dheer u qiimeeyay nidaamka
Intii ay ku sugnaayeen degmada Gar-adag, Wasiirka iyo waftigiisu waxay si rasmi ah u daahfureen barnaamij caafimaad oo wadajir ah oo ay hirgeliyeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, UNFPA, iyo King Salman Humanitarian Aid and Relief Center.
Barnaamijkan oo soconaya muddo shan cisho ah ayaa bulshada lagu gaadhsiinayaa adeegyo caafimaad oo dhamaystiran, gaar ahaan kuwa la xidhiidha caafimaadka taranka, daryeelka hooyada uurka leh iyo caafimaadka dhallaanka.
Adeegyada waxaa fulinaya dhakhaatiir khibrad leh, iyadoo la bixinayo dawooyin iyo agab caafimaad oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhasha abaaraha iyo duruufaha adag ee deegaanka.
Sidoo kale, hawlgal la mid ah ayaa laga fuliyay degmada Baki iyo magaalada Boorama, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshooyinka nugul iyo kuwa ku nool deegaannada ka fog magaalooyinka waaweyn.
Waftiga Wasiirka ayaa gaadhay magaalada Burco, halkaas oo ay kormeer ballaadhan ku sameeyeen Cisbitaalka Guud ee Burco iyo Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee Dr. Allag.
Waxa ay si gaar ah u indho-indheeyeen heerka qalabaynta, kaydka dawooyinka iyo dib-u-habaynta lagu sameeyay xarumahaas.
Dhanka kale, Wasiirku waxa uu si rasmi ah xadhiga uga jaray dhisme cusub oo casri ah oo lagu soo kordhiyay Cisbitaalka Alkhaliifa, kaas oo si weyn u kordhin doona awoodda cisbitaalka ee qaabilaadda bukaannada, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah iyo adeegyada takhasuska leh.
Munaasibadda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo bahda caafimaadka, kuwaas oo bogaadiyay horumarka la gaadhay.
Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku adkeeyay in xukuumaddu ka go’an tahay tayeynta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka, isaga oo xusay in mashaariicdan ay yihiin kuwo laf-dhabar u ah dhimista dhimashada hooyada iyo carruurta.
Safarka shaqo ee gobollada Bariga waxa kale oo lagu gaadhsiiyay agab caafimaad iyo dawooyin muhiim ah oo lagu taageerayo xarumaha caafimaadka.
Tani waxay qayb ka tahay dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo tayada iyo gaadhista adeegyada caafimaad, gaar ahaan xilliyada ay jiraan baahiyo dheeraad ah.
Dhanka kale, Wasaaradda oo kaashanaysa Population Services International (PSI) ayaa 25 xarumood oo caafimaad oo gaar loo leeyahay ku wareejisay moobillo casri ah, kuwaas oo lagu xoojinayo ururinta,
Safarkan ballaadhan ee Wasiirka iyo waftigiisu ku marayaan gobollada dalka wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku wajahan, xoojinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, tayeynta daryeelka hooyada iyo dhallaanka, gaadhsiinta adeegyada deegaannada fog, horumarinta kaabeyaasha iyo qalabaynta xarumaha, xoojinta nidaamka xog-ururinta caafimaadka
Gaba-gabaddii, Wasaaraddu waxay mar kale uga mahadcelinaysaa UNFPA, King Salman Humanitarian Aid and Relief Center iyo PSI taageerada joogtada ah ee ay ku garab taagan yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Somaliland.

























