Barnaamijkan dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan xubintiisa labaad todobaadkan, waxa aynu ku soo qaadanaynaa shir muhiim ah oo lagaga arrinsanayey xoojinta iyo dardargelinta nidaamka gurmadka degdegga ah ee Caasimadda, kaasi oo uu martigeliyey Cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Madaxda ugu sarraysa Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ka qayb galay kulan labaad oo daba socda shirkii hore ee lagu gorfeeyey qorshe mideysan oo wax-ku-ool ah, si looga jawaabo xaaladaha degdegga ah sida shilalka gaadiidka, dababka iyo hawlgallada badbaadinta nafeed. Kulankan ayaa muujinaya dadaal joogto ah oo lagu dhisayo hannaan isku xidhan oo ka jawaaba xaalad kasta oo degdeg ah, si hufan oo waqtiyaysan.
Kulanka labaad waxa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta go’aamadii hore, dejinta qorshe hawleed cad oo leh masuuliyad qeexan iyo jadwal waqtiyeed oo la isla oggol yahay, si hay’adaha ku shaqada leh gurmadka degdegga ahi u yeeshaan hannaan wada shaqayn oo mideysan. Masuuliyiinta Dawladda Hoose, oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Duqa Caasimadda Hargeysa ahna Maayar Ku-xigeenka Khadar Axmed Cumar (Khadar Nuur) iyo Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Hargaysa Mukhtaar Maxamed Boosh Cade, ayaa kulanka ku muujiyey doorka hoggaamineed ee ay ku leeyihiin isku-dubaridka iyo xoojinta adeegyada badbaadinta bulshada.
Intii uu kulanku socday, waxa si rasmi ah loo magacaabay guddi farsamo oo ka kooban wakiillo ka kala socda hay’adaha ku lugta leh gurmadka degdegga ah, kuwaasi oo loo xilsaaray diyaarinta qorshe hawleed mideysan oo faahfaahsan, dejinta hannaan isgaadhsiin degdeg ah (communication protocol), qeexidda habraacyada gurmadka iyo kala dambeynta tallaabooyinka marka ay dhacdo xaalad degdeg ahi, iyo sidoo kale soo jeedinta tababaro iyo barnaamijyo wacyigelin ah oo kor loogu qaadayo tayada iyo xirfadda hawlgallada badbaadinta.
Ugu dambayn, Dawladda Hoose ee Hargeysa waxay kulankan ku muujisay ka go’naan dhab ah iyo wada shaqayn laga midho dhalin karo, taasi oo u dhaxaysa hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo badbaadada, ilaalinta nolosha iyo hantida muwaadiniinta Caasimadda Hargeysa. Shirkan iyo go’aannada ka soo baxay waxay saldhig u noqonayaan dhismaha nidaam gurmad oo casri ah, isku xidhan, isla markaana si degdeg ah uga jawaaba baahiyaha bulshada.























