Barnaamijka Deegaan-Jire ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxa uu diiradda saaraya dadaallada ay waddo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Somaliland, kuwaasi oo ku wajahan diyaarinta iyo hirgelinta Kayd Qaran (National Parks) si loo ilaaliyo deegaanka, loona daryeelo duur-joogta, isla markaana kor loogu qaado dalxiiska ku saleysan khayraadka dabiiciga ah.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wefti ka socday hay’adda African Parks, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka. Kulanka oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray sidii Somaliland u yeelan lahayd Kayd Qaran oo waaweyn oo si casri ah loo maamulo, laguna ilaaliyo deegaanka iyo noolaha dabiiciga ah.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Duur-joogta, iyaga oo si wadajir ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay in la helo goobo si sharci ah loo ilaaliyo, loona maareeyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah.
Dhanka kale, kulanka waxaa qayb ka ahayd hay’adda Cheetah Conservation Fund (CCF), oo ka shaqaysa xanaanaynta iyo daryeelka harimacadka, isla markaana door muhiim ah ka qaadata ilaalinta noocyada duur-joogta ee halista ku jira.
Kulankan waxa uu xambaarsan yahay qorshe cusub iyo himilooyin ay ka mid yihiin,in dalka laga hirgeliyo Kayd Qaran casri ah (National Parks), in la ilaaliyo duur-joogta iyo dhirta dabiiciga ah,in la kobciyo dalxiiska deegaanka ku saleysan (Eco-Tourism) iyo in la dhiso dhaqaale cagaaran oo waara
Hirgelinta wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada ee Kayd Qaran waxa ay gundhig u noqon doonta
Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, abuurista fursado shaqo iyo kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta sumcadda dalka ee dhinaca dalxiiska deegaanka
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta deegaanka iyo dhaxalka dabiiciga ah ee jiilasha mustaqbalka.























