Boqortooyada UK oo Martiqaaday Madaxweynaha Somaliland

0
92

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu martiqaaday munaasabad heer caalami ah oo ay martigelinayso Westminster Africa Business Group, taas oo ka qabsoomi doonta Aqalka Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska (UK).

Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah loogu soo martiqaaday kulankan caalamiga ah ee ka qabsoomaya xarunta baarlamaanka boqortooyada UK, Casuumadan ayaa noqanaysa fursad kale oo taariikhi ah oo ay Somaliland heshay fagaarashaasha caalamiga ah, isla markaana Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu ku soo bandhigi doono qadiyadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliand iyo hannaanka dimuquraadiyadda Somaliland ee naadirka ku ah mandaqada oo ay kaga gedisan tahay dalal badan oo deriskeeda ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa fadhigaas ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo diiradda saaraysa fursadaha maalgashi ee Somaliland, horumarinta ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo koboca gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulamo gaar ah la qaadan doonaa maalgashadeyaal, shirkado waaweyn oo caalami ah iyo masuuliyiin heer sare ah. Kulankan ayaa xoojinaya sumcadda iyo muuqaalka caalamiga ah ee Somaliland, isla markaana furaya albaabo cusub oo maalgashi iyo iskaashi ganacsi.

Waxa la filayaa in fursadahani ay si toos ah uga faa’iidaystaan muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah, iyada oo la abuuri doono fursado dhaqaale oo waara.

Waxaa kale oo ay albaabo badan u furaysaa soo dedejinta dalal kale oo ku dhiirada aqoonsiga Somaliland oo ay dhamaadkii sannadkii hore si toos ah ugu dhawaaqday in ay aqoonsantay madaxbannaanida Somaliland dawladda Israa’iil